Gudoomiyaha Cusub ee Golaha Shacabka oo balan qaaday in uu wax ka qaban doono arimaha horyaallo

Date:

Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdi raxmaan oo khudbad kooban jeediyay ka dib markii uu xilkan ku guuleystay ayaa u mahad celiyay guud ahaan Xildhibaanada Golaha Shacabka intii Codkooda siisay iyo kuwa aan siin, isagoo balanqaaday inuu fulin doono Barnaamij siyaasadeedkiisa ka koobnaa 10-qodob.

“Waxaan u mahad celinayaa Xildhibaanada Golaha Shacabka inta codkooda i siisay iyo inta aan isiin waxaan sidoo kale u mahad celinayaa intii u tartameysay xilkan, Maalintii khamiista ee taariikhda ay ku beegneyd 26/04/2017 waxaan hortiina ka aqriyay Barnaamij Siyaasadeedkeyga oo ka koobnaa 10-qodob waxaan idin xasuusinayaa inaan fulin doono Barnaaamij siyaasadeedkeyga iyo wixii kale ee Baarlamaanka u baahdo”.ayuu yiri Mudane Maxamed Mursal

Guddoomiyaha cusub ayaa sidoo kale balanqaaday inuu la tashiyo la sameyn doono Xildhibaanada Golaha Shacabka isla markaana uu dhageysan doono aragtidooda si Golaha Shacabka uu wax badan u qabto.

“Aniga waxaan mar kasta diyaar u ahay inaan dhageysto soona dhaweeyo aragtidiina, waxaan hortiina ka balan qaadayaa inaan Shacabka Soomaaliyeed ugu adeego si danta dalka iyo dadka ay ku jirto”.

Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow oo wareega sedexaad kula tartamay Mudane Maxamed Mursal ayaa u hambalyeeyay Guddoomiyaha cusub, isagoo balanqaaday inuu si wanaagsan ula shaqeyn doono.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha KMG koonfur Galbeed oo magacaabay Agaasimaha Guud Madaxtooyada

Hoggaamiyaha Ku-meel-gaarka ah ee Koonfur Galbeed Mudane Jabriil Cabdirashiid...

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga oo Ankara ku soo gabagabeeyey kulamo muhiim ah

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Guddoomiye Ku-xigeenka Maaliyadda Gobolka Banaadir oo ka Qayb-galay Daahfurka Xarunta Shaybaarka Biyaha

Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir, Mudane Ciise...

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgallo qorsheysan ka fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose

WAR SAXAAFADEED Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo...