Afar musharax oo wareegga labaad u gudubtay

Date:

Waxaa la soo gabagabeeyay tirinta cododka wareega koowaad ee doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ay ku tartamayaan ilaa iyo 10-musharax,waxaana hadda loo gudbayaa wareega labaad ee doorashada.

Ku simaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ahna Guddooomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane C/wali Sheikh Ibraahim Muudeey oo ku dhawaaqay sida loo kala helay cododka ayaa sheegay in wareega Labaadee doorashada ay isugu hareen afar  musharax.

Afarta musharax ee isugu soo haray wareega Labaad ayaa waxay kala yihiin Xildhibaan Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan oo helay 83-cod,Ibraahim Isaaq Yarow oo isagan helay 69-cod,C/casiis Xasan Maxamed Laftagareen 54-cod iyo Xildhibaan Shariif Maxamed Abdalla oo helay 19-cod.

Halkaan Hoose ka Akhriso sida ay Musharaxiinta u kala heleen cododka.

1- Xildhibaan Shariif Sheekhunaa Maye 5-cod

2- Xildhibaan Idris Cabdi Dhaqtar 3-cod

3- Xildhibaan Maxamed Mursal Sh. C/raxmaan 83-cod

4- Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla 19-cod

5- Xildhibaan Maxamud Macalin Yaxye 7-cod

6-Xildhibaan Iimaan C/laahi Nuur. 3-cod

7- Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow 69-cod

8- Xildhibaan Cali Sheekh Nuur 16-Cod

9- Xildhibaan C/casiis Xasan Maxamed Laftagareen 54-cod

10- Xildhibaan Saalim Caliyow Ibrow 17-cod

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Qoyska oo kaarka codeynta ka qaadatay degmada Shingaani ee gobolka Banaadir

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda...

Wasiirka Isgaarsiinta oo daah-furay Madasha Saddexaad ee Amniga Cyber-ka Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda, Mudane Maxamed Aadan Macallin...

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qaahira kula kulmay dhiggiisa Masar si loo xoojiyo iskaashiga labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...