29-Ruux oo ay ku jiraan 8-wariye oo lagu dilay Qarax ka dhacay Afghanistan.

Date:

Ugu yaraan 29-Qof oo ay ku jiraan 8-Wariyeyaal ah ayaa ku geeriyooday halka daraasiin kale ay ku dhaawacmeen ka dib labo Qarax oo is xig xigay oo ka dhacay magaalada Kapul ee caasimadda dalka Afgaanistaan,sida ay sheegeen Saraakiisha Caafimaadka dalkaasi.

Qaraxyada ayaa saaka waxay ka dhaceen aagga Shashdarak oo ka tirsan caasimadda dalkaasi ee Kapul.

Qaraxa hore oo ahaa Qof naftii halige ah oo isku soo xiray walxaha Qarxa ayaa isku qarxiyay xarun Laamaha amaanka Afganistan ay leeyihiin oo ku taalo magaalada Kapul,sida laga soo xigtay Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha gudaha dalkaasi.

Sidoo kale Qaraxa Labaad oo dhacay 20-daqiiqo gudahooda ka dib Qaraxii koowaad ayaa saameynta ugu ballaaran waxay ka soo gaartay Kooxaha Gurmadka Caafimaadka iyo Wariyeyaal goobta soo gaaray.

Afhayeenka Wasaaradda Caafimaadka ee dalka Afgaanistaan ayaa sheegay in Weerarka ay ku dhinteen ku dhawaad 29-ruux halka 49-ruux ay   ku dhaawacmeen.

Wakaalada Wararka ee AFP,ayaa ku warantay in Wariye sawir qaade u ahaa,Shah Marai,uu ka mid noqday dadka ay Qaraxyada ku dhintay.

Maleeshiyada Daacish ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi dadka badani ku dhinteen.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha SoDMA oo sheegay in Soomaaliya u socoto dhanka nidaamyo xooggan oo ka jawaaba masiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle,...

Jaaliyadda Soomaalida ee Xadarmuut oo afur u sameeyay Safiirka Soomaaliya ee Yemen

Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Yemen C/Xakiim Maxamed Axmed...

Buulo burde oo ku soo baxday Tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka

Degmada Buulo burde oo ka tirsan Gobolka Hiiraan ayaa...

Wasiirka xanaanada xoolaha oo qaabilay wafdi ka socda Hay’adda WFP

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa, Mudane Xasan...