wasiir Beyle oo ka warbixiyay waxqabadka wasaradda Maaliyada

Date:

Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo xafiiskiisa kula hadlayay warabaahinta ayaa ka warbixiyay waxqabadka Wasaaradda, wuxuuna shirkiisa jaraaโ€™id uu diiradda ku saaray,qorshaha deyn cafinta,daabicista lacag cusub oo Shillin Soomaali ah,mideynta canshuuraha,isagoo sharaxay waxyaabihi ka soo baxay shirkii dhawaan ka dhacay magaalada Washington ee Mareykanka,Wasiirka ayaana sheegay in shirkaasi uu guul ku soo dhamaaday,islamarkaana dhamaan wafuudii ay la kulmeen ay u riyaaqeen warbixinadii laga siiyay halka ay marayso Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in dhawaan si dhaqsi ah loo soo daabacayo lacagta Shinllin Soomaaliga, taasi oo qeyb ka ah waxyaabaha lagu heshiiyay.

โ€œWaxaa kaloo aan ka wada hadalnay in na loo daabaco lacagta Shillin Soomaaliga,talaabooyinka wixii nalooga baahnaa daabacada lacagtaasina waan buuxinay,waxaa kaloo la isla gartay lacagta daabacadeeda ayaa qarash badan ku baxaya,waxaa ku baxaya lacag dhan 41 Milyen oo dollar,anaga mahaynee ee halkii laga keeni lahaa ayaan dadaalkeedi kujirnaโ€.

Magaalada Nairoobi ee xarunta Dalka Kenya ayuu sheegay in dhawaan ay kula shiri doonaan hayโ€™adda lacagta addunka,si loo dhameystiro dadaalada ku aadan in Soomaaliya deynta laga cafiyo,taasi oo uu rajo wanaagsan ka muujiyay.

โ€œBisha may ee soo socota todobadeeda waxaan isugu tagaynaa Nairoobi,waxaan ka wada hadlaynaa in aan so xirno wejigii hore ee tijaabooyinka ama imtixaanada deymaha nalooga cafinaayo,waxaana kamid ah horumarinta hanaanka maamul Maaliyadeed,waxaa kale oo qeyb ka ah in la mideeyo canshuuraha Dalka,maadaama aanu nahay hal dal,waxaanu rajaynaynaa in sanadka dambe ay soo dhamaadaan dadaalada deymaha nalooga cafinaayoโ€. Ayuu yiri Wasiir Beyle.

Ugu dambeyntii wuxuu soo hadal qaaday tirikoobka shaqalaaha dowladda iyo guud ahaan ciidamada marka laga eego xagga bixinta mushaharaadka,wuxuuna ku tilmaamay in ay qeyb ka tahay horumarinta hannaanka maamul maaliyadeed ee dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo booqday Xarunta Dhexe ee Machadka Warbaahinta Al-Jazeera

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan degmada Xuddur

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Guutada 9-aad ee...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sucuudiga oo kala saxiixday heshiis iskaashi Dhinaca Difaaca Ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...