Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya oo heshiis is afgarad ah la saxiixday dhigiisa dalka Kuwait “SAWIRRO”

Date:

Kuwait (SNTV)-Wafdi uu hugaaminayo Wasiirka  Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo maalmahaan booqasho rasmi ah ku joogey Dalkani Kuwait ayaa maanta halkaasi kulamo kula qaatay dhigiisa dalka Kuwait oo ay wada gaareen heshiiis is afgarad ah.

Booqashada Wasiir Maareeye oo ay ku wehliyeen ganacsato iyo xubno kale ka tirsan Wasaradda Qanacsiga ayaa ah mid lagu xoojinayo xariirka ganacsi ee u dhaxeeya labada dowladood Kuwait iyo Soomaaliya.

Wasiir Maareeya aya dhigiisa kulanka ay wada qaateen kaddib kala saxiixday heshiis qodobo dhowr ah oo dhinacyo badan taabanaysa, taasoo wax ku ool u ah labada dowladood

Sidoo kale Wasiirka ganacsiga ayaa kulamo la yeeshay madax kala duwan iyo maal qabeeno , taasoo lagu sii xoojinayay xariirka labada dowladood, isla markaana ugu mahadceliyay soo dhaweynta baaxada leh oo ay u fidiyeen isaga iyo wafdigii la socday.

Wasiirka gancsiga ayaa u mahad celiyay diblomaasiyiinta Safaaradda Soomaaliyeed ee dalka Kuwait oo ugu horeeyo siihaayaha Safaaradda Abiib Musa Farax oo had iyo jeer ku howlan xoojinta xiirika labada dowladood.

Hashiiskaan ay wada saxiixdeen labada Wasiir ee Kuwait iyo Soomaaliya ayaa la filaaya inuu wax ka badali doono hab u socdka kobcinta dhaqaalaha iyo horumarinta dalka oo  ay ku talaabsaneyso dowladda Faderaalka Soomaaliya.

Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa ka qeyb qaley shir qanacsi oo ay ku kulmeen dowlado badan.

Ugu dambeyn Wafdiga Wasiirka ayaa ka soo amba baxay dalka Kuwait kuwaasi oo ku soo wajahan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Qoyska oo daahfurtay tababar ku saabsan doorka haweenka ee geeddi-socodka nabad-dhiska Soomaaliya

Wasaaradda Qoyska, Horumarinta iyo Xuquuqul Insaanka Soomaaliya oo kaashanaysa...

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska oo shahahaadada Master Degree ka qaatay dalka Ruushka

Afar sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo xaqiijisay dilka Macallin Jinoow

Waxaa la xaqiijiyay dilka Macallin Jinoow, kaas oo Wasiirka...

Dab ka kacay Suuqa Bakaaraha oo damintiisa lagu guuleystay

Waaxda Gurmadka Deg Degga ah ee Maamulka Gobolka Banaadir...