Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya oo heshiis is afgarad ah la saxiixday dhigiisa dalka Kuwait “SAWIRRO”

Date:

Kuwait (SNTV)-Wafdi uu hugaaminayo Wasiirka  Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo maalmahaan booqasho rasmi ah ku joogey Dalkani Kuwait ayaa maanta halkaasi kulamo kula qaatay dhigiisa dalka Kuwait oo ay wada gaareen heshiiis is afgarad ah.

Booqashada Wasiir Maareeye oo ay ku wehliyeen ganacsato iyo xubno kale ka tirsan Wasaradda Qanacsiga ayaa ah mid lagu xoojinayo xariirka ganacsi ee u dhaxeeya labada dowladood Kuwait iyo Soomaaliya.

Wasiir Maareeya aya dhigiisa kulanka ay wada qaateen kaddib kala saxiixday heshiis qodobo dhowr ah oo dhinacyo badan taabanaysa, taasoo wax ku ool u ah labada dowladood

Sidoo kale Wasiirka ganacsiga ayaa kulamo la yeeshay madax kala duwan iyo maal qabeeno , taasoo lagu sii xoojinayay xariirka labada dowladood, isla markaana ugu mahadceliyay soo dhaweynta baaxada leh oo ay u fidiyeen isaga iyo wafdigii la socday.

Wasiirka gancsiga ayaa u mahad celiyay diblomaasiyiinta Safaaradda Soomaaliyeed ee dalka Kuwait oo ugu horeeyo siihaayaha Safaaradda Abiib Musa Farax oo had iyo jeer ku howlan xoojinta xiirika labada dowladood.

Hashiiskaan ay wada saxiixdeen labada Wasiir ee Kuwait iyo Soomaaliya ayaa la filaaya inuu wax ka badali doono hab u socdka kobcinta dhaqaalaha iyo horumarinta dalka oo  ay ku talaabsaneyso dowladda Faderaalka Soomaaliya.

Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa ka qeyb qaley shir qanacsi oo ay ku kulmeen dowlado badan.

Ugu dambeyn Wafdiga Wasiirka ayaa ka soo amba baxay dalka Kuwait kuwaasi oo ku soo wajahan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xafiiska Amniga Qaranka oo daahfuray Shirka maareynta Hubka iyo Rasaasta ee 2025–2030.

Xafiiska Amniga Qaranka ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabtay...

Hantidhowrka Guud ee Qaranka oo kulan la yeeshay madax ka socta hay’adaha UNODC, UNDP.

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta...

Soomaaliya oo Khibraddeeda Maaliyadeed la kajeedisay Shir Caalami ah oo ka dhacay Beirut.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige,...

Urrur siyaasadeedka JSP oo daah furay ololaha Musharaxa Duqa Muqdisho.

Ururka Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ayaa si heer...