Taliyaha Ciidanka Booliska oo kormeeray Xarunta Dambi baarista ee C.I.D oo dib u dayactir uu ka socdo.

Date:

Muqdisho (Sntv), Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko oo ay wehliyeen  qaar kamid ah Sarreeyeyaasha iyo Saraakiisha Ciidanka  Booliska, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagey Xarunta dambi baarista CID oo ay ka socoto howlo dib u dayactir ah oo  lagu sameynayo xaruntaasi.

Taliyaha, ayaa mid mid u soo indha indheeyey qeybaha kala duwan ee dhismaha iyo dib u dayactirka lagu sameynayo, waxaana warbixin kooban oo ku saabsan sida ay u socoto Shaqada  Laanta Dambi baarista Booliska siiyey Taliyaha Xaruntaasi.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, ayaa sheegay in Qarasha ku baxaya dib u dayactirka lagu sameynayo Xaruntaan uu bixinayo Taliska Ciidanka Booliska, islamarkaana aysan aheyn kaalmo ka timid dad kale, isaggoo xusay in Taliska uu sameeyey qorshe lagu dhisayo dhammaan xarumihii Ciidanka Booliska ee ku burburay dagaaladii kala duwanaa ee dalka ka dhacay.

Qorshaha lagu dhisayo Xarunta Laanta dambi baarista Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee CID, ayaa waxa uu qeyb ka yahay qorshaha Taliska Ciidanka Booliska uu dejiey ee ku aadan dhib u dhiska Xarumihii Ciidanka, waxaana sidan oo kale dib u dayactir  lagu wadaa Xarunta Taliska Qeybta booliska G/banaadir, Xarunta Isgaarsiinta Ciidanka ee OTO OTO iyo Xarumo kale.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo qadka teleefanka ugu hambalyeeyay dhiiggiisa dalka Uganda.

Muqdisho, Jannaayo 21, 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka qaybgalay Shir-weyne ku Saabsan Nidaamka Federaalka.

Muqdisho, Janaayo 21, 2026: Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna...

Golaha Shacabka ee BFS oo Ansixiyay Heshiiska Dhismaha Urur Goboleedka IGAD.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Dalka Pakistan.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...