Ra’iisul wasaare ku xigeenka XFS oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Qadar ee Soomaaliya “Sawirro”

Date:

Muqdisho (SNTV), Ra’iisal wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dawladda Qadar u fadhiya Soomaaliya Mr Hassan Hamza Asad Hashem, waxayna kawada hadleen xiriirka labada dal, habkii loo abuuri lahaa iskaashi caalami ah oo dhexmara Soomaaliya iyo Qadar iyo weliba sidii labada wadan uga wada shaqayn lahaayeen dhanka maalgashiga iyo ganacsiga.

Ra’iisalwasaare ku xigeenka Dalka Md Mahdi ayaa Dalka Qadar iyo shacabkiisa uga mahadceliyay taageerada joogtada leh ee ay la garab taagan yihiin Dowladda Federaalka iyo Shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay xiriirka labada dal uu yahay mid soo jireen ah.

Safiirka Qadar ee Soomaaliya Mr Hassan Hamza Asad Hashem, ayaa dhankiisa Ra’iisalwasaare ku xigeenka uga mahadceliyay sida uu Dawladda Qadar u qadariyo, isaga oo ballan qaaday in DOHA sii wadi-doonto taageerada ay siiso Soomaaliya.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Dekedaha XFS oo uga mahadceliyay Golaha Wasiirrada ansixinta Is-afgaradka Dekadaha Badweynta Hindiya.

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS Mudane Cabdulqaadir...

Kulanka Goblaha Wasiirrada oo looga hadlay amniga dalka.

Muqdisho, Khamiis, 22 Jannaayo 2026: — Golaha Wasiirrada Xukuumadda...

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya oo Qatar kulan kula yeeshay Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Gudaha.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Madaxweynaha JFS oo qadka teleefanka ugu hambalyeeyay dhiiggiisa dalka Uganda.

Muqdisho, Jannaayo 21, 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...