Wasaaradda Gargaarka iyo Masiibooyinka oo gudoontay lacag lagu caawinaayo barakacyaasha

Date:

Shir jaraa’iid ay maanta si wadjir ah ugu qabten magaalada muqdishi si hayaha wasiirka waasaradda gar gaarka iyo mareynta masiiboonyina dowlada soomaaliya cilmi cumar ceynsane AMB saleka agaasimaha waaaxda sama falka ee wasaarada arimaha dibada ee dalka koonfur Africa iyo madaxa Hay’ada cunada aduunka ee WFP ayaa  doowlada south Afirca lacag 500.000 kun oo doolarka mareykanka ku wareejisay  wasaaradda gargaarka iyo mareynta masoobinyka taa oo loogu talagalay in lagu caawiyo dadka baracayaasha ee ku nool guud ahaan soomaaliya waxaana  gob joog ka ahaa wasiir dowlaha xafiisa Ra’isulwasaaraha C/llaahi Xamud Maxamed.

Lacagtaan ayaa ah hab elektaronig ah dadkana ay ku qadan donaan raashin oo kaliya waxa una socon doonaa mudo 6 bilood ah, sidoo kale waxaa la gaarsiin donaa meelaha ay jiraan  dhibaatooyinka ay sababeen fataahadaha wabiyada iyo guud ahaan dalka oo dhan dadka ka faa’iidaysan doona waxa ay gaarayaan ilaa 500 kun oo qoys  oo midkiiba gaareysa 100 doollar.

AMB Saleka Agaasimaha waaxda sama falka iyo wasaaradda arrimaha dibada ee dalka koonfur afrika ayaa sheegay in ay ugu talagaleen dadka danyarta, soomaliya iyo south africa ay yihin laba dal oo cilaaqaad dheer uu ka dhxeeyo.

Madaxa Hay’adda Cunada Aduunka ee WFP mr laurenta Bukera ayaa u mahadceliyay dalalka deeq bixiyaasha sida dalka koonfur Africa ee maanta deeqdaan soo gaarsiisay soomaaliya.

Siihayaha wasiirka wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta masiibonyina ee Dowladdda Federalka Soomaaliya Mudane Cilmi Cumar Ceynsane oo la wareegay lacagta waxa uu ka war bixiyay sida loo bixin doono sidoo kale waxa uu mahd celiyay dowlada South Afiraca oo deeqdaan ugu talagalshay dadka yarta ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Koonfur Afrika u tegay furitaanka Safaaradda cusub

Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya,Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali,ayaa...

Danjire Cali Cabdi Awaare oo ku guuleystay Danjiraha Sanadka ee Somali Social Media Awards

Danjire Cali Cabdi Awaare, Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u...

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...