Maamulka Gobalka Banaadir oo abaal marin gudoonsiiyay Maamulka Degmada Hilwaa

Date:

Gaadiidkan oo ah nooca laanguruusalka ayaa maamulka gobolka Benaadir waxaa uu abaal marin ahaan u gudoonsiiyay gudoomiyaha Degmada Hiliwaa kadib horumarka uu maamulka degmada Hiliwaa iyo ciidanka Boliiska ay ka sameeyen dhinaca amniga iyo kor u qaadista wadashaqeeynta laamaha amniga iyo qeybaha bulshada.

Gudoomiyaha Dagamada Hiliwaa Cabdixakiin Cumar Cabdulle ayaa maamulka Gobolka Benaadir uga mahadceliyay abaalmarintani lagu dhiira galinaayo horumarinta amniga.

Gudoomiye ku xigeenka Kowaad ee amniga iyo siyaasada maamulka Gobolka Benaadir Maxamed Cabdullaahi Maxamed ( Tuulax) waxa uu sheegay in dagma kaste lagu abaal marin doono waxqabadkeeda.

Waa dagmadii Labaad uu maamulka Gobolka Benaadir ku abaalmariyo gaadid ka qeyb qaata sugida amnigga kaas oo lagu dhiira galinaayo horumarinta xasiloonida Caasimada iyo isku xirka laamaha amaanka iyo bulshada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...

Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya

Dowladda Indonesia ayaa si cad u adkaysay taageerada ay...

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgal lagu tiro badan oo Khawaarij ah ka fuliyey Shabeellaha dhexe

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa...

Golaha wasiirrada oo buriyey heshiisyadii lala galay Imaaraadka Carabta

Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyaga oo ku shaqeynaya...