Maareeyaha Dekada ” hormaro dhaqaallo oo dalka waxbadan ka badalay ayaay sameysay wax soosaarka dekada muqdisho”

Date:

Maareeyaha Dekedda weyn ee Magaalada Muqdisho Axmed Maxamed Maxamuud (Washington) ayaa sheegay in muddadii Sanadka ahayd ee uu maareeyaha ka ahaa Dekedda Magaalada Muqdisho ay wax badan u qabsoomeen.

Axmed Washington oo u warramayay warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa sheegay in Saddexdii Bilood ee ugu horreysay Sanadkan ay Dekeddu soo xaraysay dhaqaale gaaraya 13 Milyan oo Doollar oo ah adeegga dakadda oo kali ah.

Maareeye Washington ayaa xusay in Sanadkii 2017-dii ay Dekedda Muqdisho qabatay 50 Milyan oo Doollar sidaa awgeedna ay Dekeddu tahay Il dhaqaale oo ismaal gelin karto ama is bixin karto.

Wuxuu sidoo kale Maareeyuhu ka warbixiyay 30 Bas oo casri ah oo uu si gaar ah u leeyahay Gobolka Banaadir iyo Labo Wiish oo ay Dowladda Qatar ugu deeqday Dowladda Soomaaliya kuwaasoo kaabi doona howlaha ka socda Dekedda Muqdisho.

Xagga faya dhowrka iyo hubinta Badeecooyinka kasoo dega Dekedda ayuu sheegay inay tahay mid aad u sarraysa layskuna hallayn karo, taasoo uu tilmaamay inay door weyn ku leeyihiin qaar ka mid ah Wasaaradaha Dowladda Federaalka iyo Gobolka Banaadir.

Axmed Washington ayaa bogaadiyay doorka ay shirkadda Turkiga ah ee ALBAYRAK ku leedahay dib u habaynta Dekedda Muqdisho iyo kaalinta ay ka qaadatay dhaqaalaha kasoo xarooda Dekedda.

Dekedda Muqdisho ayuu sheegay maareeyuhu inay leedahay Lix Marso oo la dhisay 1977-kii, kuwaasoo Laba ka mid ihi looga tala galay inay kusoo xirtaan Maraakiibta sida Koonteennada, Saddex loogu tala galay inay kusoo xirtaan Maraakiibta Badeecadaha kale sida iyo mid loogu tala galay Shidaalka iyo Xoolaha iyo qaybo kale, muddadaasina uu dayactirkeedu yaraa.

Maareeye Axmed Washington ayaa gabagabadii tilmaamay inay Muqdisho ku filnayan Hal Deked oo keliya loona baahan yahay in sare loo qaado laguna sameey maal gelin xooggan, wuxuuna sheegay inay imminka wadaan howlihii sare loogu sii qaadi lahaa howlaha Dekedda.

Wuxuu sheegay inay jiraan Quburo ka socota World Bank oo ku taqasusay heshiisyada Dekedaha iyo Khuburo xagga sharciyada oo ka socota African Development Bank, kuwaasoo haatnba jooga kana  caawinaya tayaynta sare u qaadidda howlaha Dekedda Muqdisho.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo dhagax dhigay Ceelal biyood laga hirgelinayo Gobolka Bakool

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay...

Soomaaliya iyo Wadamada Urur Goboleedka Koonfur Bari Aasiya oo xoojinaya xiriirkooda

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda...

Dowladaha Soomaaliya iyo Indonesia oo kala saxiixday heshiis visa-la’aan

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Mudane...