Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo booqasho ku tagay Safaaradda Soomaaliyeed ee Pretoria .

Date:

Wasiirka oo ay soo dhaweeyeen Madaxda iyo Shaqaalaha oo uu ugu horeeeyo Danjire Jamal Barrow ayaa u kuurgalayay shaqooyinka ay Safaaradda u heyso Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkan,  isaggoo laba maalin booqday Xarunta Safaaradda, waxa uuna shirar guud iyo mid gooni gooni ah la yeeshay Diblomaasiyiinta iyo Shaqaalaha Safaaradda, isagoo kala sheekeysanayay shaqooyinka ay Safaaradda qabato.

Booqashiisa kadib ayuu Warbaahinta Qaranka u sheegay in uu aad ugu faraxsanahay inuu soo gaaro Safaaradda ay Dowladda Soomaaliya ku leeyahay Koonfur Afrika, isagoo intaasi raaciyay in ay shaqada Safaaraddu u qabanayso Jaaliyadda tahay mid loo baahnaa,waxa uu Howl wadeenada ku dhiiragaliyay inay sii laba laabaan howlaha shaqo ay u hayaan Jaaliyadda.

“ Safaaradda waxay wakiil ka tahay Dowladda Soomaaliya,waxaa la rabaa xiriirka labada Wadan inay isu soo dhaweyso,waxaa kaloo qabato xiriirka Jaaliyadda iyo Dowladda waxaan wakhti dheer la qaatay qeyb walba waxanna ka wadahadlnay waxyaabaha in loo qabto Jaaliyadda waanna xoojin doonaa insha Allah” ayuu yiri Mudane Kheyre.

Wasiiru Dowlaha Arimaha Dibadda Soomaaliya,Mudane Cabdul Qaadir Ahmed Kheyr ayaa ka mid ahaa madax ka socota dalal badan kuwaasoo ka qeybgalayay aaska xaaska Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika,Nelson Mandale oo dhawaan geeriyootay,waxa uu intuu uu joogay halkaan kulamo la qaatay qaar ka mid ah madaxdii kasoo qeybgashay aaskaasi iyo madaxda Koonfur Afrika,waxaana ka mid aha Wasiir ku xigeen Arimaha Dibadda ee Koonfur Afrika iyo Madaxweyne ku xigeenka Dalka Zambabwe.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha CB Soomaaliyeed oo guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee amniga Caasimadda

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi,...

Soomaaliya oo si buuxda ula wareegtay maareynta ee Arrimaha Xuquuqul Insaanka kadib 32 Sano

Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa meel mariyey...

DFS oo beenisay wararka ku saabsan heshiis qarsoodi ah oo ay la gashay Dowladda Sweden

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si buuxda u beenineysaa warbixinnada...

Shirweynaha Urur-goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo galay maalintiisii labaad

Shirweynaha Urur-goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC) oo sanadkan...