Munaasabad lagu xusaayo mallinta dhirta oo muqdisho lagu qabtay

Date:

17 April ayaa loo aqoonsaday in ay tahay maalinta dhir beerista Qaranka Soomliyeed, munaasbad lagu weyneynayo malintaan ayaana maanta wasaaradda Xananada Xoolaha dhirta iyo daaqa Xukuumadda Soomaaliya ku qabatay Muqdisho.

Agaasimaha guud ee wasaaradda beeraha iyo agaasimaha guud wasaarada Xanaanada xoolaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ka hadlay Munaasabadaasi ayaa sheegay in ay dhiiri galinayaan islamarkaana ay xoogga saari doonaan beerista dhirta.

Xil C/fitaax Qaasim oo ka tirsan Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa dadka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ilaaliyaan dhirta, isaggoo xusay in  diinta Islaamka ay ka hadashay dhowrista dhirta.

ugu danbeytii dadkii ka soo qeyb galay munaasabadaasi ayaa si wadajir ah ugu baaqay bulshada soomaaliyeed in la ilaaliyo dhirta isla markaana aan lagu tagri falin dhirta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

Muqdisho, Arbaco, 28 Jannaayo 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Shirka 27-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Geeska Afrika oo ka furmay magaalada Muqdisho.

Shirka 27-aad ee Wasiirrada Maaliyadda dalalka Geeska Afrika ayaa...

Wasiirka Dekadaha Soomaaliya oo Xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday Turkiga.

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka...

Wasiirrada Ganacsiga Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Qatar.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane...