Dowllada Qadar oo 30 Gawaari ku wareejisay Dowllada soomaliya

Date:

Gaadiidkan oo isugu jira 30 Bas iyo Labo Wiish oo ah nooca Badeecooyinka ka dajiya Maraakiibta ayaa Maanta Dowladda Qatar waxay ku wareejisay Dowladda Soomaaliya, waxaana loogu tala galay in lagu dardar galiyo howlaha Gobalka Banaadir iyo Dekadda Muqdisho.

Madasha lagu wareejinayay Gaadiidkan waxaa goobjoog ka ahaa Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda, Cusmaan Maxamed Cabdi (Daallo), Maareeyaha Dekadda Muqdisho, Axmed Maxamed Maxamuud (Washington), Guddoomiye ku xigeenka howlaha Guud ee Gobalka Banaadir iyo Masuuliyiin ka tirsan Safaaradda Qatar ee Soomaaliya.

Safiirka Dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya ,Xasan Xamsa Asad Haashim, ayaa qalabkan ku wareejiyay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dekedaha, isagoo wasiirkuna uu kusii wareejiyay maamulka Dekedda iyo kan Gobolka Banaadir.

Masuuliyiinta Maamulka Gobalka Banaadir iyo kan Dekada Muqdisho ayaa Dowlada Qatar kaga mahad celiyay Gawaaridan ay ugu deeqday Dowladda Soomaaliya, waxaanay sheegeen in Kaalin wanaagsan ay ka qaadan doonaan adeegyada Gobalka iyo Dekadda.

Wasiir ku xigeenka Dekada Cismaan Daallo oo Goobta lagu wareejinayay Gawaarida ka hadlay ayaa in Dowlada Qatar ay ka mid tahay Dowladaha garab istaagay Soomaaliya, Abaal badana ay dowlada Soomaaliya iyo Shacabkeeda kaga hayaan Mashaariicda iyo Howlaha kale oo ay kaga qeyb qaadaneyso dib u dhiska dalka, Gaadiidkana wuxuu sheegay inay wax badan ka tari doonaan adeegyada Dekada iyo Gobalka.

Dhinaca kale Maareeyaha Dekadda Muqdisho Axmed Maxamed Maxamuud (Washington) oo la hadlay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay in Wiishashkan ay wax weyn ka tari doonaan habsami u socodka howlaha Dekedda Muqdisho, isagoo ugu mahad celiyay Dowladda Qatar oo Gaadiidkan ugu deeqday Soomaaliya.

Mudane; Washington ayaa sidoo kale sheegay in Wiishashkan oo uu mid ka mid ah qaadi karo 100 Tan, halka kan kalana uu qaadi karo 63 Tan oo culays ah, kuwaasoo fududeyn kara baahiyaha ka jira Dekedda Muqdisho.

Waa markii Labaad oo Laba Bilood gudahood ay Dowladda Qatar ku wareejisay Soomaaliya Deeq Gaadiid ah, taasoo qayb ka ah howlaha gargaarka iyo taakulaynta ay Qatar la garab taagan tahay Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirka JFS ee dalka Hindiya oo xabsiga ku booqday Muwaadiniin Soomaaliyeed oo muddo ku xiran

Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Hindiya ayaa...

Duqa Muqdisho oo kormeer shaqo ku tagay Xarunta Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Hodan oo ku soo baxday tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga Afar dhamaadka oo la sameeyay

Degmada Hodan oo ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa u...

Ex-Dable NISA Mukhtaar Shakuur Amiin oo dil toogasho ah lagu xukumay

Dable NISA Mukhtaar Shakuur Amiin, ayaa lagu edeeyay dilka...