Wasiir Maxamed Cabdullahi Salaad “Omaar” oo kulan la yeeshay jaaliyada Soomaliyeed ee Turki

Date:

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) ayaa booqday xarunta Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Turkiga, halkaas oo uu kula kulmay madaxda Jaaliyadda iyo qaar kamid ah Bulshada Soomaaliyeed ee dalkaasi ku nool.

Madaxda Jaaliyadda iyo Bulshadii kale ayaa wasiirka si diiran ugu soo dhaweeyey magaalada Istanbuul, iyadoo wasiirka iyo wafdigiisa ay bogaadiyeen isku xirnaanta Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi.

Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Turkiga Sheekh Maxamed ayaa u muujiyey wasiirka sida ay ugu faraxsan yihiin booqashadiisa, waxaana uu xusay in dadka Soomaaliyeed ee Turkiga ku nool ay diyaar u yihiin garab istaagga dowladda Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) ayaa sheegay in arin wanaagsan ay tahay isku xirnaanta dadka Soomaaliyeed, waxaana uu kula dardaarmay in dowladooda ay ku taageeraan howlaha ay dalka ka wado.

Bulshadii kale ee kahadlay halkaasi ayaa muujiyey sida ay ugu faraxsan yihiin booqashada wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya iyo kulanka uu kula qaatay xarunta Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Turkiga.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Salaad oo todobaadkii hore gaaray dalka Turkiga ayaa kulamo gooni gooni ah la qaatay madaxda dalka Turkiga, oo uu kala hadlay sidii dib loogu soo celin lahaa Shirkaddii Diyaaradaha ee Somali Airline.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-ilaaliyaha Sanduuqa Qaranka ee Maareeynta Musiibooyinka 

Muqdisho, Khamiis, 05 Febraayo 2026: — Golaha Wasiirrada Xukuumadda...

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Galmudug oo Kormeeray Suuqa Xoolaha

Wasiirka Xanaanada Xoolaha ee Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa kormeer...

Culumo uu hoggaaminayo Sheekh Xuseen Cali Jabuuti oo fagaare ah kula hadlay bulshada Balcad

Culumo uu hoggaaminayo Sheekh Xuseen Cali Jabuuti ayaa maanta...

Madaxweynaha JFS oo u hambalyeeyay masuuliyiinta la doortay ee Guddiga Xuquuqul Insaanka Soomaaliya

Muqdisho, Febaraayo, 04,2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan...