Wafdi ka socda wasaarada arimaha dastuurka oo gaaray magaallooyinka Kismaayo iyo Baydhabo

Date:

Labo wafdi oo ka socday Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS, Guddiga La-socodka Dib-u-eegista Dastuurka ee Labada Aqal iyo Guddiga Madaxabanaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa maanta kala gaareen magaalooyinka Kismaayo ee caasimadda ku-meel-gaarka ah ee dawlad Goboleedka Jubbaland iyo magaalada Baydhabo ee caasimadda ku-meel-gaarka ah ee Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Ujeeddada labada safar ayaa ah in sedexda hay’ad ee u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka ay Dawlad Goboleedyada ka talageliyaan tubta Geedi-socodka Dib-u-eegista Dastuurka.

Wasiir Cabdi Xoosh oo hogaaminayay wafdigii gaaray Kismaayo ayaa waxaa si wayn u soo dhaweeyeen qaar kamid ah Wasiirada iyo Xildhibaanada Jubbaland, waxa uuna Wasiir Xoosh sheegay inta ay joogaan Kismaayo inay kulamo wadatashi ah la yeelan doonaan Xukuumadda, Baarlamaanka iyo Bulshada Rayidka Jubbaland.

Dhanka kale, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaradda Arrimaha Dastuurka Mudane Xuseen Cabdi Cilmi oo hogaaminayay wafdigii gaaray Baydhabo ayaa waxaa si weyn u soo dhaweeyeen Wasiirka Arrimaha Dastuurka Koonfur Galbeed iyo masuuliyiin kale oo katirsan Koonfur Galbeed. Wafdigan Baydhabo gaaray ayaa waxay kulan soo dhawayn ah la yeeshay Ku-simaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya ahna Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Xuseen Maxamed Xuseen “Eelaay” iyo Wasiirka Dastuurka Koonfur Galbeed Mudane C/llaahi Sheekh Xasan.

Ugu damabayn, banbax hawleedyadan ayaa ah kuwo Wasaaradda ay ku dardargelineyso waajibaadka saaran iyada oo kaashaneysa Guddiyada ay shaqo wadaaga yihiin.

 

                    —–DHAMAAD—–

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo furay Shirweynaha Labaad ee Qiimeynta iyo Kormeerka Qaran

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

Soomaaliya oo soo dhawaysay heshiiska Congo DRC iyo jabhadda M23

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhaweyneysaa saxiixa heshiiska Doha...

Hay’adda SoDMA oo daahfurtay geedi-socodka Ka-hortagga Masiibooyinka. 

Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo u maraysa Hay’adda Maareynta Masiibooyinka...

11 khawaarij ah oo lagu dilay howlgal ka dhacay nawaaxiga Xarardheere

Ciidamada Macaawisleyda ee ka howlgala degmada Xarardheere ayaa xalay...