Wafdi ka socda wasaarada arimaha dastuurka oo gaaray magaallooyinka Kismaayo iyo Baydhabo

Date:

Labo wafdi oo ka socday Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS, Guddiga La-socodka Dib-u-eegista Dastuurka ee Labada Aqal iyo Guddiga Madaxabanaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa maanta kala gaareen magaalooyinka Kismaayo ee caasimadda ku-meel-gaarka ah ee dawlad Goboleedka Jubbaland iyo magaalada Baydhabo ee caasimadda ku-meel-gaarka ah ee Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Ujeeddada labada safar ayaa ah in sedexda hay’ad ee u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka ay Dawlad Goboleedyada ka talageliyaan tubta Geedi-socodka Dib-u-eegista Dastuurka.

Wasiir Cabdi Xoosh oo hogaaminayay wafdigii gaaray Kismaayo ayaa waxaa si wayn u soo dhaweeyeen qaar kamid ah Wasiirada iyo Xildhibaanada Jubbaland, waxa uuna Wasiir Xoosh sheegay inta ay joogaan Kismaayo inay kulamo wadatashi ah la yeelan doonaan Xukuumadda, Baarlamaanka iyo Bulshada Rayidka Jubbaland.

Dhanka kale, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaradda Arrimaha Dastuurka Mudane Xuseen Cabdi Cilmi oo hogaaminayay wafdigii gaaray Baydhabo ayaa waxaa si weyn u soo dhaweeyeen Wasiirka Arrimaha Dastuurka Koonfur Galbeed iyo masuuliyiin kale oo katirsan Koonfur Galbeed. Wafdigan Baydhabo gaaray ayaa waxay kulan soo dhawayn ah la yeeshay Ku-simaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya ahna Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Xuseen Maxamed Xuseen “Eelaay” iyo Wasiirka Dastuurka Koonfur Galbeed Mudane C/llaahi Sheekh Xasan.

Ugu damabayn, banbax hawleedyadan ayaa ah kuwo Wasaaradda ay ku dardargelineyso waajibaadka saaran iyada oo kaashaneysa Guddiyada ay shaqo wadaaga yihiin.

 

                    —–DHAMAAD—–

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Türkiye oo xusay 15-guuradii booqashadii Erdoğan uu ku yimid Muqdisho

Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee dalka Turkiga Fatxudiin Cali Maxamed,...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta shir-guddoomiyay kulanka labaad ee Kalfadhiga 8-aad ee Guddiga Joogtada Aqalka Sare

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi...

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo amniga Geeska Afrika

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, iyo...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...