Guddoomiye Yarisow “Ujeedka Safarkii aan ku tagnay Turkiga wuxuu ahaa sidii shacabka Muqdisho loogu heli lahaa adeegyadii Asaasiga ahaa”

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho rasmi ah ku joogay dalka Turkiga ayaa soo gaba-gabeeyey, waxana uu sheegay in ujeedka socdaalkaasi ahaa sidii ay dawladda Turkigu gacan uga geysan lahayd soo celinta adeegyadii asaasiga ahaa ee magaalada Muqdisho.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in kulamadii uu la qaatay madaxda Turkiga ay ku soo dhamaadeen si guul ah, dawladda Turkigana kala soo hadlay sidii loo kordhin lahaa caawinaadda iyo mashaariicda horumarineed ee Caasimadda, isagoo uga mahadnaqay sida ay u garab istaageen shacabka Soomaaliyeed xilli aad loogu baahnaa kaalmo caalami ah.

“Ujeedka Safarkii aan ku tagnay Turkiga wuxuu ahaa sidii shacabka Muqdisho loogu heli lahaa adeegyadii Asaasiga ahaa, waxaana nooga qabsoomay howllo muhiim u ah horumarka Muqdisho. Waxaan Kulan dheer oo ku qotomay xoojinta xiriirka labada Caasimadood wada yeelanay Duqa Ankara Dr. Mustafa Tuna oo isla qirnay muhiimadda ay leedahay sidii loo cusbooneysiin lahaa mataanaynta labada Caasimadood.”Ayuu yiri Eng. Yarisow.

Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan, waxuu sidoo kale la kulmay Xoghayaha guud ee dawladaha Hoose ee Turkiga, Madaxa Wakaaladda Biyaha ee Ankara, Guddoomiyaha Gurmadka iyo musiibooyinka ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxa Shirkadda Alberak ee maamusha Dekadda Muqdisho, waxuna warbixin ka siiyey horumarka Caasimadda iyo kaalinta ay ka geysan karaan dib-u-soo kashabadeeda.

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir oo dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, waxuu hoosta ka xariiqay in taageerada ay dawladda Turkigu ka wado Soomaaliya ay tahay mid aan lasoo koobi karin, isagoo ka dhawaajiyay in ay maalgaliyaan kaabayaasha dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada oo tusaale u ah sida uu Turkigu u garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo si weyn lagu soo dhaweeyay Laascaanood .

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo gaaray Laascaanood.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...