Munaasabada mallinta ciidanka xooga dalka oo muqdisho lagu soo gabagabeeyay

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray Saraakiisha, Saraakiil-Xigeennada, Aliflayda, Dableyda iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo qooysaskooda oo maanta ay ku beegantahay sannad guuradii 58-aad ee ka soo wareegtay markii la asaasay.

Madaxweynaha oo kala qeyb galay munaasabadda xuska maalintan cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga ayaa sheegay in si dardar leh ay u socdaan howlaha dib u dhiska ciidanka, tallaabooyin muuqdana loo qaaday isku dhafka ciidammada, dib u habeynta hannaanka maaliyadda iyo howl-gelinta.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in dadaalladaas dib u dhiska ah ay barbar socdaan guulo ay ciidanku ka gareen dagaalka lagaga sifeynayo dalka argagixisada Alshabaab.

“Muddadii ugu danbeysay ee aan ku shaqeynaayey Wasaaradadda Gaashaandhigga, waxaan ku guuleysannay in aan dib u saxano diiwaan gelinta dhammaan askarta, iyadoona loo sameyeeyey mid kasta fayl u gaar ah oo ay ku qoronatahay xog kasta oo ku saabsan askarigaas, taas oo aan horey u jirin.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in lagu kordhinayo qeybaha Ciidanka Xoogga Dalka cutubyo ku takhasusay dagaalka melayshiyaadka, taas oo ka tarjumaysa qorshaha dowladda ee ku aaddan xoreynta deegaannada ay gacanta ku hayaan argagixisada Alshabaab.

Madaxweynaha ayaa faray Ciidanka Xoogga Dalka in ay tusaale wanaagsan u noqdaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan ciribtirka musuqmaasuqa iyo qabyaaladda oo labaduba dib dhigay dowladnimada iyo horumarka dalka.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyay dowladaha iyo ururrada caalamiga ee garab taagan Ciidanka Xoogga Dalka, isagoona ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay taageero buuxda siiyaan ciidankooda, dadaal muuqdana ay ku bixiyaan xoreeynta dalka.

Munaasabaddan waxaa ka qayb galay Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh, Xubno ka tirsan labada Gole ee Baarlmaanka, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Cabdiweli Jaamac Xuseen (Gorod), Taliyaha Ciidanka Asluubta Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, Taliyaha Ciidanka Booliska Jeneraal Bashiir Cabdi Maxamed, Taliyaha Ciidanka Nabad Sugidda Mudane Xuseen Cismaan Xuseen iyo qaar ka mid ah Danjirayaasha ka hawl galo dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Shirweynaha Sannadlaha ah ee GANHRI oo si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Geneva

Shirweynaha sanadlaha ah ee Ururrada Xuquuqul Insaanka caalamka ee...

Xafiiska Hantidhowrka JFS oo soo gabagabeeyay Aqoon-isweydaarsi ku saabsan Musuqmaasuqa

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta soo gebagabeeyey...