Madaxda dalka oo hambalyo u diray ciidanka xooga dalka

Date:

Munaasabadda lagu xusayo 58-guuradii ka soo wareegatay aas aaska Ciidamada xoogga dalka ee 12 April ayaa maanta ka dhacaya magaalada Muqdisho iyo qeybo ka mid ah dalka waxaana ka soo qeyb galay madaxda dalka ugu sareyso xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan xukumada soomaaliya.

sidoo kale Taliyeyaasha Ciidamada ayaa  ka qeyb galay munaasabadaasi  maalinta qiimaha badan ee 12-ka April oo sanad kasta xiligan oo kale ay u dabaal-dagaan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa waxaa lagu qabtay munaasabad lagu weyneynayo xarunta gaashaan dhiga oo ku taalo magaalada muqdisho .

Madaxda Qaranka ayaa Hambalyo ku aadan Xuska 12ka April u diray Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, waxayna sanadkaan ay u dabaal degayaan sanad guuradii 58 aad.

12-ka April sanadkii 1960 ayey ahayd markii la aas aasay ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed waxaana ka soo wareegtay 58 sano.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed  waxaa lagu Aasaasay ciidan ka kooban 8 horrimood, waxaa lagu magcaabi jiray xiligaasi magaca Cali Boobaaye ciidankaasi ayaa tiradiisu ahayd 2000 oo Askari, waxaa laga kala qoray 6 gobol oo ka tirsan gobollada koonfureed ee Gumeystihii Talyaaniga gumeysanjiray.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Diiwaangelinta doorashooyinka qof iyo codka ah ee degmada Gaalkacyo oo maanta soo gabagabowday.

Diiwaangelinta doorashooyinka Qof iyo Cod ee degmada Gaalkacyo ayaa...

Guddoomiyaha dhallinyarada Gobolka Banaadir oo ka dhiidhiyay faragelinta YH-da ee dalkeenna.

Guddoomiyaha Dhallinyarada Gobolka Banaadir, Cumar Faaruuq, ayaa si kulul...

Culimada Soomaaliyeed oo banaanbax ka dhan ah Xadgudubka Israa’11l ka dhigay Taallada Daljirka Dahsoon.

Banaanbax ballaaran oo ay soo abaabuleen Culimada Soomaaliyeed ayaa...

Guddoomiyaha Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed oo ka hadlay faragelinta Israa’11l.

Guddoomiyaha Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed, Sheekh Suufo Yare, ayaa...