Haweeney Soomaaliyeed oo lagu xiray dalka Norway

Date:

Mid kamid ah Hooyooyinka Jaaliyadda Soomaalida ee dalka Norway ayaa lagu soo eedeeyay inay xiriir la leedahay Ururka Argagixisada Daacish,waxayna Booliska dalkaasi ay ka qabteen xilli ay ka dhoofeysay magaalada Oslo.

Haweeneydan Soomaaliyeed oo ah Hooyo dhashay 5-carruur ah ayaa Booliska Norway waxay sheegeen iney Taleefankeeda gacanta ay ka heleen ciwaanno iyo xog ku saabsan sida loo sameeyo Qaraxyada,sidoo kale,waxaa Taleefankeeda laga helay qoraalo ay isu direen nin Soomaali ah oo isna dhowaan ay Dowladda Ingiriiska ay ku xukuntay 8-sano oo xabsi ah.

Waxaan la ogeyn waqtiga rasmiga ah ee la maxkamadeyn doono Haweeneydan Soomaaliyeed oo lagu eedeeyay iney xiriir la leedahay Ururka Daacish,macluumaad muujinayana laga helay,sida Booliska dalka Norwey ay sheegeen.

Booliska magaalada Oslo ayaa sheegay in Hooyadan dhashay 5-ta carruurta ah xilligii gacanta lagu dhigayay ay u safreysay dalk Suuriya halkaasi oo sida la ogyahay ay ka dagaalamaan Kooxda Argagixisada Daacish.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Maaliyadda XFS oo Shir-guddoomiyay Kulanka Wasiirrada Maaliyadda Geeska Afrika

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige,...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa ku qaabilay guddoomiyaha Golaha Wakiillada Waqooyi Bari

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre,...

Soomaaliya oo ka qeybgashay Meertada 8-aad ee Shirweynaha Biyaha Qaahira

Qaahira, Masar, 17-ka Oktoobar 2025: Iyada oo lagu guda...

From Poverty to Prosperity: A Shared Commitment to Jobs, Equity and Resilience for Somalia

By H.E. Bihi Iman Egeh, Minister of Finance, Federal...