Guddoomiye Jawaari oo iscasilaadiisa uga hor dhawaaqay Golaha Shacabka

Date:

Guddoomiyihii Golaha Shacabka Prof: Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari oo maanta Khudbad ka hor jeediyay Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu iska casilay xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

“ Maanta oo ay bisha tahay April,12/2015,waxaan Golahan Sharafta leh hortiina aan u imid inaan rasmi ahaan idin ku war geliyo inaan xilkii ammaanada ahaa Alle subaxaanahu Watacaallaa ka sokow aad adinku igu ammaaneysateen idinkoo wada fadhiya idin ku soo celiyo,waxaana idinka codsanayaa in xil heynta Guddoonka iga cafisaan istiqaaladeydana iga ogolaataan,” ayuu ku yiri Prof; Jawaari Khudbadiisa uu ka jeediyay xarunta Golaha Shacabka.

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Mudane; Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in maalmihii u danbeeyay kuwo Alle ka cabsigooda yar yaryahay baraha Bulshada ay ku tebinayeen in lacago Malaayiin dollar ah laga siistay istiqaalada iyo xilka degistiisa.

Wuxuuna Xildhibaanada hortooda Mr. Jawaari uu ka cadeeyay ineysan jirin wax lacag ah oo looga bedeshay iscasilaada uu sameeyay,isagoona dhanka kale tibaaxay in xil ka degistiisa ay muhiim u ahayd Qaranimada iyo jiritaanka Dowladnimada Soomaaliy.

Mudane: Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari,Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka ayaa xilkaan waxaa loo doortay 11-kii bishii Janaayo sanadkii 2017,,isagoo labo jeer Guddoomiye Baarlamaan ka soo noqday dalka,waana qabiir dhanka sharciga oo mudo ka badan 50-sano soo ahaa shaqaalo Dowladeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan.

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur...

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka”.

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud oo...

Guddiga Doorashooyinka oo ku shaaciyay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka.

Guddigga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.isagoo gudanaya...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...