Madaxweynaha Soomaliya oo mudane jawaari ugu mahadceliyay go’aanka geesinimada ah ee uu qaatay

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka ee xilka ka siidagaya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaaย  shir jaraaโ€™id ku qabtay goor dhow madaxtooyada Soomaaliya.

Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sheegay inuu xilka ka degi doono maalinta berri, si uu amaanada dib ugu celiyo xubnaha Golaha Shacabka ee horay u soo doortay, isagoo si rasmi ah u cadeeyay inuu iscasilay.

โ€œwaxaan rabaa hor iyo horaan inaan mahad gaara u jeediyo Shacabka Soomaaliyeed, kana raali galiyo maalmahaan murugtii iyo walwal maalmahaan nasoo maray oo adkeysiga ay u yeesheen waxaana ku wargalinayaa inay arintaasi dhamaatay, waxaan aad u tixgaliyay talooyinkii badnaa ee iga soo gaarayay sidaas ayaana goโ€™aan ugu gaaray in aan xil heyntii golaha shacabka Berito oo Arbaco ah inaan xilkaasi iyo amaanadaasi aan ku celiyo golaha shacabka oo ii dhiibtayโ€.

Madaxweynaha JF Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa uga mahad celiyay goโ€™aanka uu qaatay Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, isagoo sheegay inuu dalka wax badan u soo qabtay muddo 50-sano ah uu usoo dadaalayay.

โ€œwaxaan rabaa inaan u mahad celiyo Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo dalkaan wax badan usoo qabtay mudo 50-sano uu shaqeynayay, Mudane waa oday Soomaaliyeed waa khabiir dhanka Sharciga ah, goโ€™aanka uu qaatay waa mid sharci wax shuruud ah oo ku xiran ma jiraan, waxaan ku dhiiri galinayaa inuu halkaasi kasii wado dadaalada uu ku bixiyay Dowladnimada Soomaaliyeedโ€.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Xukuumadda Soomaaaliya iyo Baarlamaanka usoo jeediyay inay laba jibaaraan dadaalka ay wadaan maadaama ay horyaalaan howlo culus.

โ€œXukuumadda waxaan farayaa inay dadaalka laba jibaarto maadaama ay horyaalaan howlo culus oo ay ka mid yihiin sugida amniga iyo horumarinta dhaqaalaha dalka, Baarlamaanka waxaan usoo jeedinayaa inay dardargaliyaan Hindise sharciyeedyada oo xukuumada ay usoo gudbisay oo ahmiyad weyn u leh dalka, waxaan kaloo aan ugu baaqayaa Baarlamaanka inay kor joogto ku sameeyaan Xukuumadda iyo laamaha amaanka, waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa inay la shaqeeyaan hayโ€™addaha amaankaโ€™โ€™ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kursiga lambarkiisu ahaa GSH 248 oo la buuxiyay

Dhuusamareeb, Maxamed Cabdi Xasan (Afweyne) ayaa loo doortay xildhibaan...

SoDMA oo gargaar gaarsiisay deegaanno ka tirsan Shabeellada dhexe

Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) ayaa gargaar baniโ€™aadannimo oo...

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dowladood

๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ฎ ๐ƒ๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐‚๐š๐๐š๐š๐ฅ๐š๐๐๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐€๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐ƒ๐š๐ฌ๐ญ๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ค๐š ๐—๐…๐’, ๐ƒ๐š๐ง๐ฃ๐ข๐ซ๐ž...