Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ballaaran ka bilaabay G/Shabeelada Dhexe

Date:

Howlgal ballaaran oo ka dhan ah Maleeshiyada Alshabaab ayaa ka bilwoday deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeelada Dhexe,iyadoo waqtiyadii ugu dambeeyey Ciidamo ka tirsan Xooga Dalka iyo kuwa AMISOM ay fariisimo military ka sameystay deegaanno dhowr ah oo u dhaxeeya magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee Gobolkaasi.

Goobaha ay ciidamadaasi saldhigyada ka sameysteen waxaa kamid ah deegaanada Gololey iyo Haanshiikh oo kamid ah goobaha ay ku dhuumaalaysanayeen Maleeshiyada Alshabaab,Sida uu soo sheegayo wariyaha warbaahinta Qaranka ee Jowhar Abuukar Maxamed Bacaadle oo la xiriiray qar kamid ah saraakiisha Xooga Dalka oo howlgalkaasi hogaaminaysa.

Saraakiisha ayaa ujeedka ay ciidamadaasi fariisinka uga sameysteen halkaasi ku sheegay in ay tahay ka hortaga dhibaatooyinka Alshabaab ay ka geystaan waddooyinka inta lagu guda jiro safarka,kuwaasi oo shacabka ku dhibaateeya qaraxyada dhulka lagu aaso iyo weeraro gaadmo ah.

Muddooyinkii ugu dambeeyey waxaa soconayay qorshayaal iyo dadaallo ku aadan sidii loo sifeyn lahaa waddooyinka ay ku sugan yihiin argagixisada Alshabaab.

Howlgaladani military ayaa waxbadan ku soo kordhin kara sidii looga hortagi laha qataraha Maleeshiyaadka Alshabaab ay u soo maleegaan dadka Shacabka ah,waxaana arintani ku timid kulamo wadatashiyo ah oo horey u dhexmaray maamulka Hirshabeele,saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa AMISOM.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo guddoomiyey kulan gaar ah oo ku saabsanaa xoojinta dowlad-dhiska Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasiirka Gaashaandhigga oo kulan la qaatay Danjiraha cusub ee Dowladda Masar u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Qatar ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Madaxda Wasaaradda Warfaafinta oo Ka tacsiyeeyay geerida marxuum Xuseen Axmed Qoryooley

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud...