Taliyaha ciidanka Asluubta oo saxaafada u sharxay hormarka shaqo abuur ee haweenka maxaabiista ah

Date:

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye guud Bashiir Maxamed Jaamac  Keynaan oo ay wehliyeen ku xiggeenadiisa, Taliyaha Xabsiga dhexe iyo Saraakiil kale, ayaa maanta mid mid u booqday qolalka ay ku xiran yihiin Maxaabiista Xabsiga dhexe ee Xamar ku xiran, Goobaha ay wax ku bartaan iyo qeybta Haweenka.

Taliyaha, ayaa waxa uu u kuur galayey sida ay tahay nolosha Maxaabiista, waxaana uu la sheekeystay qaar kamid ah Maxaabiista, xog wareysi dheer ayuuna  la yeeshay si uu wax badan uga oggaado darruufahooda gaarka ah.

Sarreeye guud Bashiir Maxamed Jaamac, Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, ayaa sheegay marnaba aysan raali ka noqon doonin in lagu xadgudbo Maxbuus, ayna dhowaan Xabsiga dhexe ee Xamar iyo Xabsiyada kale ee dalka  u dhameystiri doonaan waxyaabaha Nolosha aadanaha muhiimka u ah ee ka dhiman.

“Qof xiran oo xoriyad aan heysan intaas ayaa ugu filan dhibaato, marnaba raali kama noqon doonno in lagu xadgudbo Maxbuus, Waxaan ku dadaaleynaa siddii Xabsiga aan ugu dhameystiri laheyn waxyaabaha nolosha aadanaha aasaasiga u ah” ayuu yiri S/guud Bashiir Maxamed Jaamac.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...