Raโ€™iisul wasaare Kheyre oo Ciidankii Fashiliyay qaraxyadii Shalay abaal marino guddoonsiiyay

Date:

Raโ€™iisul wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya ooย ย ay wehliyaan Wasiirka amniga , Maxamed Abuukar Isloow, agaasimasha hayโ€™addaย ย nabad-sugidda iyo sirdoonka Qaranka, Sarkiil Ciidanย iyo xubno ka socdayย ย maamulka Gobolka Banaadir ayaa booqasho ku tagay Xalay saqdii dhexe xarumo ay ka howl-galaan Ciidnka nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed.

Booqashada Raโ€™iisul wasaaraha dalka uu ugu tagay Ciidanka NISA ayaa ku saabsanayd dhiirri gelin iyo mahad naq ku aaddan sidii ay Ciidanka Nabad sugidda u fashiliyeen laba qarax oo ay kooxda nabad -diidka Al-Shabaab la doonayeen inย ayย ku gumaadaan Shacabka iyo maatida Soomaaliyeedย ย ee aan waxba galabsan, kuna burburiyaanย ย hantidooda.

Cidanka nabad sugidda Qaranka oo hayay xogta ku saabsanย qaraxyadii Shalay gelinkii dambe ka dhacay Muqdisho ayaaย ย si geesinimo leh uga hor tagay, iyagoo mid ka mid ah weerarradaasi lala damacsanaa Garoonka Diyaaradaha ,halkaasoo ay Ciidanku ku toogteen Wadahii Gaariga Qaraxa siday, halka kan kalena ay doonayeen inay ku qarxiyaan goobaha ugu mashquulka badan Magaalada , waxanay Ciidanka NISA ku fashiliyeen bar-kontorool oo u dhow ย Is-goyska Banaadir.

Raโ€™iisul Wasaaraha Dalka ayaa mid mid u Gacan qaaday dhammaan Ciidankii ku sugnaa goobihii lagu fashiliyay qaraxyada , wuxuuna taliyeyaasha halkaasi ku sugnaa ka dhagaystay Warbixinno ku aaddan sidii ay ugu hor tageen Qaraxyadii lala damacsanaa in lagu wax yeelleeyo Ummadda Soomaaliyeed.

Wuxuuna Raโ€™iisul wasaarahuhu intaa ka dib guddoonsiiyayย abaal marin Lacageed oo uu ku dhiiri gelinayey Ciidanka maadama ay bad-baadiyeenย ย Shacabkaย ย Soomaaliyeed ayna diyaar u yihiin difaacidda Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed.

Mudane Kheyre ayaa sidoo kale sheegay inay geesinimadooda badbaadisay naf badan oo Soomaaliyeed, isagoo Ciidanka howl-galkaasi ku guuleystay iyo taliyeyaashooduba u sheegay inuu Salaan diirran iyo hambalyo baaxad leh kaga sido Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane. Maxamed C/laahi Farmaajo.

Booqashada uu Raโ€™iisul wasaaraha dalka mudane. Xasan Cali Kheyre ku booqday ciidanka nabad sugidda Qaranka iyo goobaha ay ka howl-galayaan ayaa qayb ka ah dhiirri gelinta iyo Garab istaagga Ciidamada iyo inuu gaarsiiyo farriinย  ku aadan sida ay Madaxda dalka u garab taagan yihiin had iyo goor Ciidamada kala duwan ee Qaranka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale