Itoobiya, Masar iyo Suudaan oo mar kale ka wada hadlaya arrinta Webiga Niil

Date:

Magaalada Khartuum ee Caasimadda Dalka Suudaan waxaa Maanta ka furmay Shir Saddex geesood ah oo ku saabsan xal ka gaarista muranka ku saabsan wadaagga Biyaha Webiga Niil iyo dhismaha Biyo xireenka Itoobiya.

Wasiirrada arrimaha dibedda ee Dalalaka Itoobiya, Masar iyo Suudaan iyo quburo xagga Biyaha iyo ammaanka ah ayaa halkaasi ku yeelanaya wareeg cusub oo wada hadal ah, waxanay ka wada hadli doonaan Biyo-xireenka guud ee Itoobiya iyo sidii ay u yeelan lahaayeen iskaashi guud.

Shirka ayaa sidoo kale waxaa diiradda lagu saari doonaa sidii looga wada faa’iideysan lahaa Kheyraadka Biyaha Webiga Niil iyo la iskuna meel dhigi lahaa saamiga ay qolo walba xagga u leedahay isticmaalkiisa.

Kulankan ayaa waxa uu daba socdaa shir ay Bishii Janaayo ee Sanadkan ku wada qaateen mas”uuliyiinta Saddexda Waddan Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Dalka Itoobiya, kaas oo ku saabsanaa xal ka gaarista qaybsiga Biyaha Webiga Niil iyo Biyo xireenka Itoobiya ay ka waddo halkaa.

Isha/ Africannews

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka Qayb galay Furitaanka Shirka Wasiirrada Kuuriya iyo Afrika ee magaaladda Seoul

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS oo kulan la qaatay Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee...

Wasiirka Xanaanada Xoolaha XFS oo kormeeray ciidanka XD ee ku sugan duleedka Baydhabo

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen...

WARGELIN: DIIWAAN-GELINTA XOG-DHOWRAYAASHA IYO XOG-ADEEGSADAYAASHA

WARGELIN: DIIWAAN-GELINTA XOG-DHOWRAYAASHA IYO XOG-ADEEGSADAYAASHA Iyadoo la tixraacayo Qodobka 32-aad...