olollaha Dulqaad iyo wada hadal oo Muqdisho laga furay (sawirro)

Date:

R/wasaare ku xigeenka dalka ayaa maanta furay kulan looga hadlayay ka hortagga fikirka xagjirnimada ah, oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Kulankan oo uu soo qabanqaabiyay xafiiska R/wasaaraha ayaa loo qabtay xubno ka kala socday maamulgoboleedyada, haweenka, dhllinyarada culumaa’udiin iyo aqoonyahanno kala duwan.

Qaar ka mid ah xubnihii ka qeybgalay kulankaasi ayaa aragtidooda ka dhiibtay mowduuca ku saabsan ka hortagga afkaarta xagjirnimada ah, iyagoo ku saleynayay  hannaanka dowladda ee dulqaad iyo wadahadal.

Sii hayaha wasiirka ahna wasiirudowlaha wasaarada Awqaafta iyo arrimaha Diinta C/xakiin Xasan Ibraahin ayaa ka hadlay  baahida loo qabo in la iska kaashado ka hortagga afkaarta xagjirnimada ah.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisoow ayaa sheegay in maamulkiisu uu mudnaanta siinayo sidii looga hortagi lahaa afkaarta xagjirimada ah.

R/wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed oo kulankaasi furay ayaa hoosta ka xariiqay in barnaamijka ka hortagga argagixisada uu qeyb ka yahay afarta tiir ee uu ku taaganyahay ammaanka dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Laascaanood oo maanta lagu qabanayo munaasabada caleemo saarka madaxda Waqooyi bari

Waxa maanta magaalada laascaanood ee xarunta dowlad gobolleedka Waqooyi...

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshadda XFS oo kulan la qaatay wasiirka qoyska iyo adeegyada bulshadda ee dalka Turkiga

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya Mudane Prof....

Dowladda koonfurta Sudan oo si adag u taageertay ilaalinta midnimada Soomaaliya

Dowladda Jamhuuriyadda Suudaanta Koonfureed ayaa si rasmi ah u...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo laascaanood ku qaabilay wafdi ballaaran oo ka socda dalka Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...