Munaasabadda Midaynta xildhibaanada Galmudug iyo Ahlusuna oo lagu qabtay Dhuusomareeb ( Sawirro)

Date:

Magaalada Dhuuso-Mareeb ee xarunta Galmudug ayaa xalay lagu qabtay Munaasabad lagu soo bandhigayay Xildhibaanada maamulki Ahlusuna uga mid noqonaya Baarlamaanka Maamulka Galmudug,si loo dhaqangeliyo  heshiiska ay ku midoobeen Galmudug iyo Ahlusuna Waljamaaca.

Munaasabadda waxaa goob joog ka ahaa madaxda maamulka Galmudug iyo xildhibaanada la isku daray,kuwaasi oo tiro ahaan gaaraya 178-xildhibaan oo ah guud ahaan Golaha Baarlamaanka Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf iyo madaxa xukuumada maamulkaasi Shiikh  Max’ed Shaakir Cali Xasan ayaa si wada jir ah u saxiixay Liiska xildhibaanada Baarlamaanka Cusub ee Galmudug.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir oo khudbad ka jeediyay munaasabadda isku dhafka labada dhinac ee xildhibaanada ayaa kula dardaarmay Baarlamaanka Galmudug in ay ka shaqeeyaan sidii loo horumarin lahaa deegaanada Galmudug.

Madaxa Xukuumada Galmudug Shiikh Maxamed Shaakir ayaa tilmaamay in lagu guuleeystay isku dhafka xildhibaanada ayna tahay horumar lagu talaabsaday,isagoo dhiirigeliyay midnimada iyo wada jirka Galmudug.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf ayaa xusay in tani tahay dhameystirka heshiiska labada Maamul islamarkaana ay qayb ka qaadan doonto nabadeynta deegaanada Maamulkaasi,wuxuu kaloo sheegay madaxweyne Xaaf in Galmudug ay cagta saartay dhabihii horumarka.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Booliiska oo la kulmay Guddiga saxidda Imtixaanka Layli Sarkaalnimo

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyay geerida Ra’iisul Wasaarihii hore ee Kenya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Soomaaliya iyo Azerbaijan oo heshiis Diblumaasi ah kala saxiixday

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Azerbaijan ayaa ku heshiiyay...

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo ka qeyb galay shirka 72-aad ee WHO 

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...