Xarunta Taliska Asluubta Soomaaliyeed oo noqonaysa mid kamid ah goobaha ugu qurxoon Muqdisho (SAWIRRO).

Date:

S/guud Bashiir Maxmmed Jaamac “Keynaan” Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, S/guuto Liibaan Cali Yarow gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo G/sare Xasan Cali Nuur Shuute gudoomiyaha Maxkamadda D. 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa si wada jir ah u kormeeray qeybaha cusub ee lagu kordhinayo dhismaha Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ee Ex Control Afgo’e.

Saraakiishan ayaa su’aalo weydiiyay Injineerada dhisaya qeybaha cusub ee lagu kordhinayo  Xarunta taliska iyadoo sidoo kale dhismooyinka qaarkood loogu tala galey in eey ku shaqeeyaan Maxkamadaha  dalka, sida eey sharaxeen Injineerada dhisaya qeybahan cusub ee lagu kordhinayo  dhismaha Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Masuuliyiintan ayaa intii eey ku jireen kormeerkooda waxa eey booqdeen dhammaan qeybaha cusub ee la dhisayo iyagoo  ka dhageystay warbixinno  khubarada ka shaqeynaya dhismooyinkaas.

S/guud Bashiir Maxmmed Jaamac “Keynaan” Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed,  ayaa sidoo kale saraakiisha taliska weydiiyay in eey soo tira koobaan reeraha degan xarunta taliska si taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo u dejiyo meela kale oo ku haboon.

S/guuto Liibaan Cali Yarow gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo G/sare Xasan Cali Nuur Shuute gudoomiyaha Maxkamadda D. 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa si wada jir ah ugu ammaanay taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed horumarka xagga qurxinta dhismaha taliska eey ka gaareen, gaar ahaan taliyaha Ciidama Asluubta Soomaaliyeed oo xil weyn iska saaray dhaqaajinta himilooyin kaasi hir-gelintooda wili eey socoto,  waxa eeyna sidoo kale sheegeen iyagoo ka wakiil ah Maxkamadaha kale ee dalka In eey soo dhaweynayaan xafiisyada quruxda badan ee taliska Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed ugu tala galeen si eey u gutaan waajibaadka kaga aadan dalka.

Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed waxaa hadda ka socdo dhismooyin casri ah oo eey ku howlan-yihiin khubar isugu jiro Soomaali iyo ajaanib kale, waxaana hadda uu u muuqda in uu tar-tamayo mid kamid ah goobaha ugu quruxda badan ee Magaalada Muqdisho.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgaley ciyaarta...

Wasiirka Dhallinyarada XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixda dhiggiisa  Sacuudiga 

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS, Mudane Maxamed Cabdulqaadir...

Madaxweynaha JFS oo hambalyo u diray Dagmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir 

Muqdisho, Nofeembar 06, 2025: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac...