Raa’iisulwasaare ku xigeenka soomaaliya oo la kulmay ra’iisul wasaaraha hindiya

Date:

Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Md Mahdi Mohamed Gulleed iyo wafdigiisa oo ku sugnaa Dalka Hindiya ayaa Kulan gaar ah la yeeshay Ra’iisal Wasaaraha Dalkaasi Hindiya Narendra Modi.

Kulanka oo ka dhacay xafiiska Raiisal Wasaaraha India Narendra Modi ayaa mas’uuliyiintan waxay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Hindiya iyo in Hindiya dal ku galkeeda u fududayso dadka Soomaaliyeed ee u soo safra Dalkeeda.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa Ra’iisul Wasaaraha Hindiya gaarsiiyay salaan uu uga sido Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md Mohamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Khayre.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ka sheekeeyay taariikhda dhinaca dhaqanka ee Hindiya iyo Soomaaliya,isagoo ka dalbaday in Xukuumadda New Delhi ay Soomaaliya kala shaqayso taageeridda iyo sidii loo caawin lahaa dadka hayaanka dheer usoo gala badigoobka Waxbarasho iyo mid Caafimaadba,loona sahlo in ay si fudud u helaan dal ku galka India.

‘’Waxaan la kulanay Ra’iisul wasaaraha Dalka Hindiya Narendra Modi, runtii kulankaasi oo aad muhiim u ahaa waxaanu kaga wada hadalay siddii labbada dal Soomaaliya iyo Hindiya isaga kaashan lahaayeen dhinacyada arrimaha bulshada khaasatan Caafimaadka iyo waxbarashadda; Shacabka Soomaaliyeedna loogu fududayn lahaa dal ku galka Hindiya”ayuu yiri mudane Mahadi Maxamed Guuleed R/wasaare ku-xigeenka Dalka’’.ayuu yiri Mahdi Guuleed.

Ra’iisul wasaare Modi, ayaa balan qaaday in Hindiya ay Soomaaliya si dhow ugala shaqaynayso xiriirka iskaashi ee arrimaha Bulshada iyo kuwa dibloomaasiyadeed, wuxuna tilmaamay in kulankani albaab cusub u furayo xiriir dhow oo dhex mara labada dal.

Wafdiga Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Soomaaliya oo weli ku sugan Hindiya ayaa ka qayb galay Shirka Caalamiga ahaa ee ka faa’idaysiga khayraad dabiiciga ah ee Tamarta,kaasi oo ay si wada jir ah u soo qaban qaabiyeen Dowladaha India iyo Faransiiska.

Safarkan shaqo ee Hindiya oo qaadanaya mudo 4 cisho ah waxa Ra’iisal wasaaraha kuxigeenka ku wehelinaya Wasiirka Tamarta iyo kheyraadka biyaha Pro. Saalim Caliyow Ibrow,Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ah Abdulqadir Axmed Khayr, Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Waaxda Asiya Shirwac Abdulaahi iyo Xildhibaan Biixi Iimaan oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Shacabka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shirka Wadatashiga Ururrada Siyaasadda iyo Xukuumadda oo hadda ka furmay Magaalada Muqdisho

Shir ballaaran oo u dhaxeeya Ururrada Siyaasadda ee diiwaangashan...

Wasiir kuxigeenka Arrimaha Gudaha oo furay Shirka Wadajirka Bulshada iyo Ka Hortagga Colaadaha Soo Noqnoqda

Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta...

Guddoomiye kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka oo booqday Xarunta Safaaradda JFS ee dalka Tanzania

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda...

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo kulan la qaatay Golaha Dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...