Masuuliyiinta wasaarada maaliyada oo ka tacsiyeeyay geerida masuul ka tirsanaa wasarada Maliyada

Date:

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Amb. Ahmed Issa Awad, Wasiiru dowlaha H.E. Mr. Abdulkadir Ahmed-Kheir Abdi, Wasiir kuxigeenka H.E. Mr. Mukhtar Mahad Daud, Xoghayaha joogtada Wasaaradda Danjire Ali Mohamed Ali, Agaasimaha xafiiska Wasiirka Mudane Abdullahi Dool Mohamed, Agaasimayaasha Waaxyaha, Safiirrada, Qunsulada guud , Lataliyeyaasha Wasaaradda iyo dhammaan Saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay tacsi u dirayaan ehellada, asxaabta iyo ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Allah u naxariistee Osman Abshir Egal Yay, Agaasimihii Waaxda sharciyada iyo keydinta qoraallada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, oo habeennimadii Sabtida ahayd, kuna beegnayd March 10, 2018, ku geeriyooday Muqdisho.

Osman Abshir Egal Yay oo ka qalin jebiyay Kuliyadda sharciga ee Jaamacadda Shevchenko ee Magaalada Kiev ee caasimadda Ukraine, Waxa uu Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ka shaqa billaabay sanadkii 1971, isaga oo noqday sharci yaqaan ka howlgalayay Waaxda sharciyada iyo heshiisyada, kadib waxa uu noqday sarkaal hab maamuus.

Marxuum Cusmaan Abshir Cigaal Yay, waxa uu ka mid ahaa saraakiil hab maamuus iyo Guddi farsamo oo loo xilsaarray qaban-qaabada shir madaxeedkii Ururkii Midnimada Afrika ee ku qabsoomay Muqdisho sanadkii 1974.

Intii u dhexeysay 1976-1978 waxa uu noqday Siihaye ahna Lataliyaha koowaad ee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Uganda.

May 28, 2013 waxaa si rasmi ah loogu magacaabay Agaasimaha Waaxda sharciyada iyo keydinta qoraallada ee Wasaaradda.

Marxuumku waxa uu muddooyinkii dambe ku howlanaa dardargelinta dadaalo diblomaasiyadeed oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku doonaysay in lagu soo siidaayo maxaabiis Soomaaliyeed oo ku kala xiran wadamada Saldanadda Cumaan iyo Iiraan.

Allah u naxariisto Marxuum Cusmaan Abshir Cigaal waxa uu ifka kaga tagay hal xaas , sagaal caruur oo sideed ka mid ah ay yihiin wiilal.

Haddaba, annagoo ka murugeysan, kana tiiraanyeysan geerida Marxuumka, ayaa waxaan Allah uga baryeynaa inuu u naxariisto, qabrigiisana nuur iyo neecaaw udgoon ku siiyo, hoygiisana ka dhigo Jannada sare ee Alfardows , qoyskiisa, ehelladiisa iyo asxaabtiisana Samir iyo iimaan ka siiyo – Aamiin.

INNAA LILLAAH WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo furay Shirweynaha Labaad ee Qiimeynta iyo Kormeerka Qaran

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

Soomaaliya oo soo dhawaysay heshiiska Congo DRC iyo jabhadda M23

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhaweyneysaa saxiixa heshiiska Doha...

Hay’adda SoDMA oo daahfurtay geedi-socodka Ka-hortagga Masiibooyinka. 

Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo u maraysa Hay’adda Maareynta Masiibooyinka...

11 khawaarij ah oo lagu dilay howlgal ka dhacay nawaaxiga Xarardheere

Ciidamada Macaawisleyda ee ka howlgala degmada Xarardheere ayaa xalay...