Kulankani oo muhiimdiisu aheyd sidii loo xoojin lahaayay hormarinta waxbarashada Gobolka Benaadirย iyo in dib loo soo nooleeyo xarumahii waxbarashada ee Dowlada si markale ay bulshada Soomaaliyed u hesho waxbarasho lacag laโaan ah islamarkaana ay uga faaโideystaan dadka danta yare e aan awoodin iney iska bixiyaan qarashka waxbarashadaย siย loo dhiso aqoon tooda iyo mustaq balkooda waxaa sidoo kale looga hadlay kor u qaadista tayada Dugsiyada lagu barto Qurโaanka Kariimka,
Wasiirka wasaarada Waxbarashada ee Xukuumada Soomaaliya iyo Gudoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa magaalada Muqdishoย ayaa sidoo kale kawada hadalay in la balaariyo waxbarashada Dugsiga Hoose dhaxe iyo Sare ee 15-mayย oo xiligaan ay si lacag laโaan ah ay wax ugu bartaan arday Soomaaliyed
Gudoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ( Eng: Yarisow) oo warbaahinta qaranka la hadlay ayaa tilmaamay in waxbarshadu ay tahay mustaqbalka aas aaska bulshada,
Wasiirka wasaarada Waxbarashada ee Xukuumada Soomaaliya Cabdiraxmaan Daahir Cismaan wax uu sharxay qodobada ay kawada hadleyn maamulka Gobolka Benaadir.