Maraykanka oo cunaqabatayn saaray Laba hoggaamiye oo ka tirsan Al-Shabaab

Date:

Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Maraykanka ayaa shaaca ka qaadday inay xukuumadda Washinton cuna-qabatayn kusoo rogtay Axmed Iimaan Cali iyo Cabdifataax Abuubakar Cabdi, kuwaasoo ay ku sheegtay inay halis weyn ku yihiin amniga Muwaadiniinta Maraykanka, amniga Qaranka Maraykanka, siyaadadda arrimaha dibedda iyo dhaqaalaha Maraykanka.

Dawladda Maraykanka ayaa liiska aragixisada ku dartay laba xubnood oo kale oo ka tirsan taliyayaasha maleeshiyada urrurka Al-Shabab.

Labadan xubnood ayaa Maraykanku waxay u aqoonsadeen argagixiso caalami ah, waxaana la sheegay in Axmed Iimaan Cali uu madax kasoo ahaa garabka Kenya ee Ururka Al-Shabab tan iyo Sannadkii 2012-kii isla markaana uu agaasimay hawl-gallado badan oo laga fuliyay gudaha Kenya, isagoo dejiyay qorshayaal ay ka mid yihiin weerarkii lagu qaaday Ciidamada Kenya ee degaanka Ceel-Cadde oo ka tirsan Gobolka Gedo Soomaaliya.

Sidoo  kala Dowladda Maraykanku waxay sheegtay in Sannadkii 2015 Kenya ay liiska argagixisada ku dartay Cabdifataax Abuubakar Cabdi,  iyadoo la tuhunsan yahay inuu ka tirsan yahay Al-Shabab taliyayaashiisa dhinaca Kenya, waxa kale oo loo aanaynayaa inuu ku lug lahaa weerraradii ay Dadka badan ku dhinteen ee 2014-ka ee lagu qaaday degaanka Mpeketoni ee Dalka Kenya, halkaasoo ay ku dhinteen Dad ku dhow 60 Qof.

Isha/ VOA

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi oo Martigelisay kulan Afur ah

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Nairobi ayaa martigelisay Cashadii...

Mareykanka iyo Israa’iil oo duqeymo ka geystay Iiraan

Israa’iil ayaa sheegtay inay gantaal ku weerartay Iiraan, halka...

Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Türkiye, Hakan Fidan, ayaa Jimcihii...

Degmada Buulo burde oo ku soo baxday Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan.

Degmada Buulo burde oo ka tirsan Gobolka Hiiraan ayaa...