Golaha Wasiirada Puntland oo kawada hadley Xaaladaha Amniga iyo Abaaraha

Date:

Shirkii Golaha Wasiirada Maamulka Puntland oo uu shir Guddoominayay Madaxweynaha Maamulkaasi Dr. C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa looga hadlay Xaaladda Amniga iyo Abaaraha ka jira deegaanada Puntland.

Amniga

Golaha Wasiirada Puntland ayaa marka hore sheegay in Xaaladda Amniga uu wacan yahay marka laga reebo dhibaatooyinka Joogtada ah ay kooxaha Argagixisada ay ku hayaan shacabka Puntland.

Xaaladda Abaaraha

Golaha Wasiirada Puntland ayaa si qoto dheer maanta uga dooday Xaaladda Abaaraha ee ku soo wajahan Puntland,waxayna Golaha cadeeyeen in Puntland ay ku sii siqeyso Waqtiyadii Adkaa ee Abaaraha,waxayna hadda Abaartu saameyn ku yeelatay 1.6-Milyan  oo shacabka Puntland ah iyo 234 deegaan oo ka kala tirsan 9-Gobol oo Puntland ah,waxaana hadda xaaladaasi gaartay 103,000 Qoys,sidaasi daraateed loo baahan yahay in si wadajir ah loogu istaago in xaaladaasi lala tacaalo inta aysan faraha ka bixin.

Madaxweynaha maamulka Puntland Dr. C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa Golaha Wasiirada Puntland u sheegay in loo diyaargarowbo Abaarta,loona jiheeyo Qorshayaasha wax looga qabanayo Abaarta,wuxuuna madaxweynaha Puntland ugu baaqay shacabka Puntland gudo iyo dibad in loo istaago sidii loogu gurman lahaa dadka ay abaarta saameynta ku yeelato.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...