R/wasaare Khayre“Soomaaliya wax ay ku baaqeysaa in xal waara loo helo dhibaatooyinka aadanaha

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ka qayb galay kulanka Bangiga Adduunka ee ka furmay magaalada Washington D.C ee dalka Maraykanka, loona yaqaano (Fragility Forum 2018) . Waxuuna ku baaqay in la helo hab cusub oo xoojinaya xal u helida, dhibaatooyinka bani’aadanimadda ee ka yimaada musiibooyinka ka dhasha saamaynta falalka dadka iyo kuwa dabiiciga ah.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheere oo ka hadlay goloha ayaa sheegay in dariiqooyinkii hore ee wax looga qaban jiray dhibaatooyinku ay dadka badbaadin jireen xilli gaaban, laakiin ay waayo-aragnimadu ina tustay in aanan keenin xal waaara oo joojin kara masiibooyinka imaan kara mustaqbalka.

Ra’iisul Wasaare Khayre isagoo ugu baaqaya Beesha Caalamka in ay diirada saaraan horumarinta iyo xal u helida dhibaatooyinka bani’aadanimo ayuu yiri

“Waayo aragnimadeena  waxay si cad u muujineysaa baahida loo qabo in la isku xiro lana horumariyo nabadda, iyo amniga,”.

“Waxaynu ka baranay dhibaatooyinkaasi sida looga  jawaabo  oo kaliya, marka ay musiibo dhacdo, taasina waxay keentaa in dad badan ay ku dhintaaan, arintani waxay ka hor imaanaysaa xeerarka bini’aadanimadda. Hab dhaqankani waxaa uu na galiyay qasaarooyin fara badan oo naf iyo maalba leh marka la eego nolosha dadka iyo ilaha loo adeegsaday.

Waxuu kaloo sheegay in Soomaaliya ay raadinayso hab ay ku maalgeliso barnaamijyada horumarinta mustaqbalka dheer iyo siyaabaha cusub ee loogu shaqeynayo, isagoo hoosta ka xariiqaya baahida loo qabo in la helo isbedel deg-deg ah oo ku wajahan xal waara oo rasmi ah.

Sidoo kale waxuu ugu baaqay saaxiibada Soomaaliya in ay is waafajiyaan taageeradooda qorshaha cusub ee ku wajahan nabadda, xasilloonidda iyo barwaaqaynta Soomaaliya, isla markaana ay ka fogaadaan  habkii hore loogu dhaqmi jiray.

Madashani waxay 2018 kulmisay dadka iska leh ka go’aan qaadashada arrimaha bini’aadanimada, horumarinta, iyo nabadgelyada bulshooyinka caalamka, si loo wadaago xal wax ku ool ah lana sahmiyo siyaabo cusub oo lagu wanaajiyo hababka horumarinta si loo dhiiri-galiyo nabadda iyo xasilloonida.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxda Wasaaradda Warfaafinta oo Ka tacsiyeeyay geerida marxuum Xuseen Axmed Qoryooley

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud...

Kulan casho sharaf ah oo loo sameeyay Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka caalamiga ah ee Iscafinta iyo Nabadda

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo la kulmay hoggaanka Bulshada Rayidka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Amiirka dalka Qatar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...