Wasaaradda Beeraha Soomaaliya iyo Turkiga oo kala saxiixday heshiisyo hormarineed

Date:

Munaasabadan ooย  ku saabsaneyd mid Mashaariicย  horumarineed ayย  ku kala ย saxixanayeen Wasaaradda Beeraha Dowladda Federaalka iyo Hayโ€addaย  Horumarinta dalka Turkiga eeย  TiKA ayaaย ย  ujeedada tahayย  wax ka qabadashada biya xireenada wabiga shabeelle, Saabuuniย  iyo keydkaย  Biyaha Xawaadleey,waxaana goobjoog ka ahaa Ku simaha Raโ€iisul Wasaaraha ahna Raโ€iisul Wasaare Ku_xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guleed, Qaar ka mid ah Golaha Wasiirada, Ganacstada beeraleyda dalka,Safiirka dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga iyoย  Madaxda Hayโ€™adda TIKA.

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Saciid Xuseen Ciidย  ayaaย  muhiimada uu leeyahay heshiiskan faah faahin ka bixiyay ayaa sheegay in mashruucaan faaโ€™ido weyn u yeelan doono Beeraleyda,wuxuuna biyo ku filan siin doonaa dhul ku dhow boqol kun oo Hectar.

Sidoo kale,Wasiirka Beeraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Saciid Xuseen Ciid ayaa sheegay in Heshiiskaan uu wax badan ka tari doono Fatahaada uu sameeyo Wabiga,islamarkaana dhibaato geystay dhul beereed iyo sidoo kale deegaano badan oo dad degan yihiin.

Isku xiraha Hayโ€adda TIKA Galib Yilmaz ayaa sheegay in mashaaricdan horumarineedย  ayย  ka shaqeyn doonann sidii wax looga qaban lahaa biyaha xireenka Wabiga shabeele iyo keydka biyaha, wuxuuna saxiixa maanta wada gaarnay Wasaaradda Beeraha Dowladda soomaaliya muhiimad siinayaa horumarka ย wax soo saarka Soomaaliya.

Safiirka dalka Turkigaย  Soomaaliyaย  olgan Bakerย  oo munaasbada ka hadlay ayaa waxuu tilmaayay in ay dowladda Turkiga ayย  goโ€™an tahay gacansiinta shacabka Somaaliyeed iyo Dowladda.

Wuxuuna carabka ku adkeeyay Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mr. Olgan Bakar iney rajeynayaan in sanad gudihiisa mashruucani ku soo dhamaado.

Raโ€™iisal Wasaare ku_xigeenka dalka ahna ku_simahaย  Raโ€iisul Wasaare Mudane Mahdi Maxamed Guuled (khaddar).ย  Wuxuu sheegay hadii uu hirgalo mashruucaan in 10 qodob oo muhiim ah dalka in uu wax ka qaban doona.

Wuxuu Sheegay ku simaha Raโ€™iisal wasaaraha ahna Raโ€™iisal wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), in ugu yaraan 10-sheey oo 8-ka mid ah uu xusi doono laga faaโ€™idi doono Biyo Xireenkaa Saabuuni iyo Keydka Biyaha Xawaadley.

  1. In Wax soo saarka dalka Kordho lana yareeyo Cunada yarida iyo Gaajada.
  2. ย Helitaanka Biyo joogta ah Waraab ha noqoto ama Xoolaha oo ka faaโ€™idaya ha noqoto.
  3. ย in la maareeyo Fatahaada Wabiga marka uu soo jabo baabiโ€™inaya Beerihii dalagii,gurihii u gudbaya baaโ€™iโ€™inaya isku socodkii kala xiraya,taa iyana wax badan ayay ka tareysaa.
  4. dhaqaalihii baa korayaa marka ay beeraha soo goโ€™aan, shaqaa abuuranta ee wax soo saarkii kordho.
  5. Dhoofkii baa iyana oo wax soo saarka aanu soo saarno suuqooda inuu furaan kala hadalnay ayay wax badan ka tareysaa.

Heshiiskan ayaa wuxuu qeyb ka noqonayaaย  heshiisyo noocan oo kale ah oo Wasaaradda Beeraha dalka ay hore ula sooย  gashay dalal dhowr ah oo ay ka mid yahiin Masar, Suudan iyo Turkiga wuxuuna dhamaantood ay qeexayaan sidiiย  loo horumarin lahaa Beerlayada Somaaliyeed iyo kobcintaย  wax soo saarka dalkeeena.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kursiga lambarkiisu ahaa GSH 248 oo la buuxiyay

Dhuusamareeb, Maxamed Cabdi Xasan (Afweyne) ayaa loo doortay xildhibaan...

SoDMA oo gargaar gaarsiisay deegaanno ka tirsan Shabeellada dhexe

Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) ayaa gargaar baniโ€™aadannimo oo...

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dowladood

๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ฎ ๐ƒ๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐‚๐š๐๐š๐š๐ฅ๐š๐๐๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐€๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐ƒ๐š๐ฌ๐ญ๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ค๐š ๐—๐…๐’, ๐ƒ๐š๐ง๐ฃ๐ข๐ซ๐ž...