Madaxweynaha Puntland oo kulan kula qaatey guddoomiyeyaashaa gobolada Puntland

Date:

Kulankan uu Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland uu la qaatey guddoomiyeyaasha Gobolada ayaa waxaa qeyb ka ahaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dawladaha Hoose iyo Hormarinta Reer Miyiga oo uu ka soo qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Mudane Cabdulaahi Timacde iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda.

Madaxweynaha  Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kulankan uu maanta la qaatey Wasaaradda iyo Guddoomiyeyaasha gobolada waxaa looga wada hadley xaalada guud ee Gobolada sida Amniga, nidaamka dawliga ah, Cashuurha, Dhaqaalaha, waxbarashada, Horumarinta, Abaaraha, xaalufka deegaanka iyo daaweynta xoolaha.

Dhinac kale Guddoomiyeyaasha Gobolada oo warbixino kooban siiyey madaxweynaha ayaa sheegay in xaalada guud ee amniga goboladu wanaagsan tahay, balse meelaha qaar ay ka jiraan xaalad abaareed oo hada isku bedashey biyo dhaamis.

Sidoo kale Madaxweynaha D Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo la hadley Guddoomiyeyaasha Gobolada ayaa waxa uu farey inay dar dar geliyaan qaadida canshuuraha bariga iyo macaashkaba isla mar ahaantana ay adkeeyaan ilaalinta sharciga iyo la dagaalanka musuq maasuqa, sidoo kalana looga baahan yahey inay la xisaabtamaan hay’adaha aan dawliga ahyn (NGO) iyo hay’adaha samafalka ee ka shaqeeya gar-gaarka aadanaha si loo hubiyo in la gaarsiiyey adeegii saxdaha ahaa dadka danyarta ah sida barkacayasha, reer guuraaga, dadka ay abaaru saameeyeen iyo guud ahaan shacbka reer Puntland.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo Xarigga ka Jaray Dib u Dhiska Waddada Isku Xirta Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Soomaaliya oo Markii Ugu Horreysay Ka Qayb Gashay Shirka Xuquuqda Aadanaha ee IGAD

Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka qayb gashay shir-sanadeedka...

Xulka Qaranka Soomaaliya Oo Natiijo Muhiim ah ka Helay Ciyaartii Isreeb reebka Qaramada Afrika

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda cagta, ayaa galabta...

Taliyaha Ciidanka Lugta oo ka qaybgalay Shirka African Land Forces Summit 2026 ee Rome 

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal...