Gudoomiyaha Gobalka Banaadir oo kulan la qaatey Wasiirka arimha dastuurka

Date:

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo ay wehliyeen Agaasimaha Guud iyo qaar kamid ah La-taliyayaasha Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ayaa waxa ay kulan la qaateen Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisoow) oo ay wehliyeen Ku-Xigeenadiisa.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Aqalka Dawladda Hoose ee Xamar ayaa waxa ay masuuliyiinta kaga hadleen hannaanka dhameeystirka Dastuurka.

Wasiir Cabdi Xoosh oo Guddoonka cusub ee Gobolka Banaadir u sheegayay sida ay uga go’antahay in wadashaqeyn ballaaran ay dhexmarto Wasaaradda iyo Gobolka ayaa yiri “Waxaa naga go’an sidii wadatashiga Dastuurka hoos loogu daadajin lahaa loona gaarsiin lahaa ilaa heer degmo si ay uga qeybqaataan shacabka Gobolka Banaadir, taasina waxay ku imaan kartaa marka inaga iyo Gobolka aanu wadashaqeyn dhaw yeellanno Wasaarad ahaanna waa ay naga go’antahay in aan si wanaagsan u la shaqeeyno Maamulka Gobolka Banaadir”.

Dhanka kale, Gudoomiye Eng. Yariisoow ayaa Wasiir Xoosh iyo masuuliyiintii la socotay uga mahadceliyay booqashada ay ku soo booqdeen xarunta Gobolka waxa uuna dhankiisa ballanqaaday in ay Wasaaradda kala shaqeeyn doonaan hawlaha baaxadda leh ee ay Qaranka u heyso.

Ugu dambayn, kulankan ayaa ahaa kii ugu horeeyay ee dhexmara Wasaaradda iyo Guddoonka Gobolka Banaadir ee dhawaan la wareegay maamulka Gobolka waxa ayna billaw u ahayd kulamo wadatashi ah oo ay Wasaaradda ku qaban doonto dhamaan degmooyinka Gobolka Banaadir.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo furay Shirweynaha Labaad ee Qiimeynta iyo Kormeerka Qaran

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

Soomaaliya oo soo dhawaysay heshiiska Congo DRC iyo jabhadda M23

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhaweyneysaa saxiixa heshiiska Doha...

Hay’adda SoDMA oo daahfurtay geedi-socodka Ka-hortagga Masiibooyinka. 

Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo u maraysa Hay’adda Maareynta Masiibooyinka...

11 khawaarij ah oo lagu dilay howlgal ka dhacay nawaaxiga Xarardheere

Ciidamada Macaawisleyda ee ka howlgala degmada Xarardheere ayaa xalay...