Raa’sulwasaare kheyre “waa in ahmiyad kowaad la siiyo amniga”

Date:

Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ugu baaqay Taliyeyaasha cusub ee Ciidamada iyo Wasiirada iney ahmiyadda Koowaad siiyaan Arrimaha Amniga,isagoona sheegay ineysan u dul qaadan doonin in dadkeenna la laayo,niyad jabna ku keeni doonin hal ama labo Qarax oo dhaca.

Mudane Xasan Cali Kheyre,Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa Sidoo kale faray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir,Ku-xigeenadiisa iyo dhamaan Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir iney si waafi ah ula shaqeeyaan Taliyeyaasha cusub ee Ciidamada,wuxuuna hoosta ka xariiqay iney muhiim tahay in gacmaha la is qabsado oo la soo afjaro amnidarada magaalada Muqdisho ka jirta.

“Taliyeyaasha cusub,Wasiirada iyo Anaguba waxaan isku ognahay iney Arrimaha Amniga ay yihiin ahmiyada koowaad,inaan u dul qaadan doonin in dadkeenna la laayo,inaanay na niyadjabin doonin hal ama labo Qarax oo dhaco,waxaan leeyahay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir,Guddoomiye ku-xigeenadiisa iyo dhammaan Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir waa iney si waafi ah ula shaqeeyaan Taliyeyaasha ciidamada,” Ayuu yiri Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa ku amaanay maamulka Gobolka,Shacabka iyo Ciidamada oo iskaashanaya iney dadaaleen waxyana uga dhiman tahay guusha,islamarkaana horay u sii socdaan si looga mira dhaliyo himilooyinka la hiigsanayo.

Ugu danbeyntii,Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo hadalkaan shalay ka jeediyay xarunta Ciidamada xasilinta caasimadda Muqdisho oo uu booqday ayaa kula dardaarmay taliyeyaasha Ciidamada iney ka foojignaadaan isku dhac dhexmara Ciidamada sugaya amaanka Muqdisho,islamarkaana hubka iyo qalabka ee ciidan loogu dhiibay iney shacabka ku difaacaan cadowgana kula diriraan,balse aan iyagu isku dhac ku keenin.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa ahmiyadda koowaad siineysa sugida amniga,si meesha looga saaro kooxaha Argagxisada ee nabadda u diidan Ummadda Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxda Warfaafinta Hirshabeelle oo tacsi u diray Agaasimaha Guud ee Warfaafinta

Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta Dowlad-Goboleedka Hirshabeelle, oo ay hormuud ka...

Shiinaha oo si adag uga soo horjeestay damaca Israa’iil ee Somaliland

Dowladda Shiinaha ayaa maanta oo Isniin ah ku biirtay...

Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka

In ka badan 21 dal iyo Ururo ah heer...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo xalay ka dhacay Muqdisho

Banaanbax ka dhan ah xadgudubka ay Israa’iil ku sameysay...