Madaxweynaha Puntland oo la kulmay wafdi ka socda FAO

Date:

Madaxweynaha dawlad Goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa qasriga Madaxtooyada ee Garoowe ku qaabilay Madaxa FAO ee Soomaaliya Daniele Donati.

Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxa FAOย  Daniele Donati ayaa waxa ay kawada hadleen arrimo ay kamid ahaayeen, Kalluumeysiga, daaweynta Xoolaha iyo Xanaaneyntooda, beeraha, dhirta iyo daaqa iyo sidii wax looga qaban lahaa xaalufka deegaanka.

Dhinaca kale, Madaxweynaha dawlad Goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa uga mahadceliyey madaxa FAO ee Soomaaliya Daniele Donati sida wanaagsan FAO ula shaqeyso Puntland, isagoona uu intaasi ku daray in FAO ay tusaale wanaagsanย  u noqon doonto hayโ€™adaha kale ee ka hawl-gala Puntland.

Sidoo kale, Madaxa FAO ee Soomaaliya Daniele Donati ayaa Puntland uga mahad celiyey sida wanaagsan ee lee soo dhaweeyey islamar ahaantana waxa uu sheegay Daniele Donati in Puntland iyo FAO ay ka dhaxeyso wada shaqeyn wanaagsan.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland ayaa Daniele Donati iyo weftiga la socdey si qoto dheer ugaga xog Waramey xaaladda abaareed ee ka jirta Puntland, isagoo sheegay in loo baahan yahay in gurmad deg deg ah loo fidiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen, iyadoo welibana Madaxweynuha Puntland tilmaamey in ay muhiim tahay in beesha caalamku ay qayb libaax leh ka qaataan kana qayb galaan gurmadka loo fidinayo dadka ay abaaruhu ku saameeyeen Puntland.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiir-ku-xigeenka Warfaafinta oo gaaray magaalada London.

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Al-Cadaala, ayaa...

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...