Guddoomiyaha Gobalka Benaadir oo kulan la qaatey taliyaasha ciidanka

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa sheegay in maamulka iyo shacabka Gobolka ay ka go’an tahay sidii ay qeybtooda uga qaadan lahaayeen qorshe-yaasha lagu dar-dar gelinayo xasilinta amniga Caasimadda.

Eng. Yarisow oo guddoominayey kulan ay ka soo qeyb galeen Taliyeyaasha Ciidamada Booliska iyo Asluubta Dawladda Federaalka Soomaaliya, Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda, Guddoomiyeyaasha 17ka degmo ee Gobolka Benaadir iyo Taliyeyaasha heer degmo ee ciidamada Booliska, Nabad Sugidda iyo Asluubta ayaa xusay muhiimadda ay u leedahay wada shaqeyntu sugidda ammaanka iyo sida ay lagama maarmaan u tahay in la mideeyo qorsheyaasha lagaga hor-tagayo falalka arxan darrada ah ee Alshabaab ay u maleegayaan shacabka.

“Maanta lama joogo xilli la isku fiirsado shaqada iyo in masuul walba uu dhankiisa wax gaar ah ka qorsheeyo ee waxaan taagannahay waqtigii wada-shaqeynta iyo dajinta qorshe wadajir ah oo wax looga qabanayo amniga Caasimadda.” Ayuu yiri Guddoomiye Yarisow.

Guddoomiyaha Gobolka ayaa si gaar ah ugula dar-daarmay maamulka degmooyinka in ay adkeeyaan wada shaqeynta dhanka amniga ee ay la leeyihiin, qeybaha ciidamadda iyo bulshada degmooyinkooda taas oo muhiim u ah qorsheyaasha xasilinta caasimadda.

“Waxaa xaqiiq ah in weli ay jiraan caqabado dhinaca ammaanka ah, kuwaas oo aan la yareysan karin, balse haddii aan sii xoojinno dadaalkeenna iyo wada shaqeynta aan la leenahay bulshada degmooyinka waxaa hubaal ah in lagu guuleysanayo xasilinta amniga caasimadda oo laf-dhabar u ah deganaanshaha guud ee dalka.”

Guddoomiyaha ayaa sheegay in la joogteynayo kulanka oo noqon doonna bille iyo shirarka kale ee todobaadlaha ah ee Guddiga Amniga Gobolka Benaadir, iyadoona sidoo kale dadaal dheer la gelin doono kor u qaadista wacyi gelinta bulshada sidii ay kaalintooda uga qaadan lahaayeen sugidda amniga iyo xoojinta wada shaqeynta ay la leeyihiin laamaha ammaanka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...