wafdi ka socda Turki oo muqdisho soo gaarey

Date:

Ujeedada socdaalka wafdigan ayaa qeyb ka ah mashaarciida horumariineed ee Dowlada Turkiga ka waddo dalka iyo sidii loo dardargelin lahaa.

Wasiirka howlaha guud iyo Dib uu Dhiska Xukuumadda Soomaaliya Eng Saadiq Abdullaahi Cabdi ayaaย  ugu horeyn kahadlaay imaanshiyaha wafdigan wuxuuna sheegay in ay u yimaadeen sidii horumarin looga sameyn lahaa mashaariicda horumarineed ee dalku ay ka wadaan Walaalaha Turkiga.

Xoghayaha Guud ee Midowga Dowladaha Hoose ee Dalka Turkiga ayaa kaga mahad celiyay sida wanaagsan ee loogu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho,isagoona balaan qaday in mar walibo ay noqon doonaan kuwa sii wadda mashaariicda horumarineed ay ka fuliyaan Soomaaliya.

Wafdigan ayaa booqday xarumaha wasaaradda Howlaha Guud iyo sidoo kale Gobolka Banaadir,isagoo la kulmay masโ€™uuliyiinta maamulka Gobolka iyo kuwa wasaaradda Howlaha Guud,waxaana qeyb ka ahaa Danjiraha Turkiga u fadhiya Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiir-ku-xigeenka Warfaafinta oo gaaray magaalada London.

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Al-Cadaala, ayaa...

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...