Guddomiyaha Gobalka brnaadir oo xafiiskiisa kula kulmey wafdi ka socdey turki

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Xog-hayaha Guud ee Dawladaha Hoose ee dalka Turkiga Mudane Hayrettin Gungor iyo wafdi uu hoggaaminayey.

Guddoomiyaha ayaa uga mahadceliyey Dawladda Turkiga kaalinta ay ka qaadatay dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha ee gobolka Benaadir iyo dadaalka dheer ee ay ku bixisay bilicda iyo qurxinata Muqdisho.

Kaddib, munaasabad kooban oo soo dhaweyn ah oo loogu sameeyey Xarunta Dawladda Hoose ee Xamar, Xog-hayaha iyo wafdigiisa waxa ay maamulka Gobolka ka wada hadleen xoojinta xiriirka iskaashi ee ka dhaxeeya Dawladaha Hoose ee Turkiga iyo dhiggooda Gobolka Benaadir. shaqo abuurka dhallinyarada iyo sidii ay khibaradaha shaqada isu weydaarsan lahaayeen shaqaalaha Dawladaha Hoose ee labada dhinac.

“Muhiimad gaar ah ayey noo leedahay booqashada maanta ay noogu yimaadeen wafdigan, sababtoo ah waxa ay saldhig u tahay howlaha dar dar gelinta aan ku sameynayno shaqada Dawladaha Hoose ee degmooyinka Gobolka iyo sidii aan u daadajin lahayn adeegyada asaasisaga, maadaama dawladda Turkigu ay kaalin muhiim ah ka qaadatay dib u dhiska magaalada Muqdisho.” Ayuu yiri Guddoomiye Yarisow.

Xog-hayaha guud ee dawladaha hoose ee dalka Turkiga ayaa dhankiisa uga mahad celiyey maamulka iyo bulshada Gobolka sida diirran ee ay u soo dhaweeyeen, isagoona tilmaamay sida ay uga go’antahay dhankooda in ay kaalin muhiim ah ka qaataan horumarinta bilicda Caasimadda Muqdisho, kaabayaasha dhaqaalaha iyo kor u qaadista fursadaha shaqo ee dhallinyarada gobolka Benaadir.

Kulanka waxaa Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ku wehelinayey Ku Xigeennadiisa Arrimaha Bulsha Marwo Basmo Caamir Axmed, Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Xuseen Maxamed Nuur, Amniga iyo Siyaasadda Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Tuulax).

Dhinaca Turkiga waxaa kasoo qeyb galay Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mudane Olgan Bekar iyo saraakiil ka tirsan Dawladaha Hoose ee dalka Turkiga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA MARXUUM MAXAMED FAARAX JIIS

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay gobolka Shabeellaha Dhex

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Gorgor, ayaa...

In ka badan 1,100 qoys ayaa ka faa’iideystay deeq raashin ah oo la gaàrsiiyay

In ka badan 1,100 qoys ayaa ka faa’iideystay deeq...

Xilheynta xilalka heer gobolka iyo degmo ee maamulka K/Galbeed

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Dowladda Soomaaliya ayaa...