Guddoomiyaha Gobalka Benaadir oo kulan la qaatey culumada soomaliyeed

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo kulan wadatashi ah la qaatay culumada ayaa ugu baaqay in ay dardargeliyaan kaalinta ay ku leeyihiin nabadeynta iyo hirgelnta caddaaladda.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Culumada Soomaaliyeed ay asaas u yihiin di- u-hagaajinta hannaanka caddaaladda iyo garsoorka, kaalin muhiim ahna ay ka soo qaateen samatabixinta dalka, balse haatan looga fadhiyo dhameystirka dadaallaadaas iyo sidii ay u horseedi lahaayeen xaqiijinta bulsho mideysan oo u jiheysan dhanka horumarka iyo wax wada qabsiga.

“Culumada Soomaaliyeed waa indhaha bulshadeenna, waxa ay hormuud ka yihiin tallaabo kasta oo gobolku u qaadayo dhanka horumarka, cadaaladda iyo amniga. Maamulka gobolka Benaadir waxaa ka go’an kamira dhalinta dadaallada culimada iyo sidii loo joogteyn lahaa ka talagelintooda ku aaddan qorsheyaasha lagu horumarinayo bulshada Benaadir”.Ayuu yiri Eng. Yarisow.

Kaddib is xog-wareeysi ku saabsan qorsheyaasha la xiriira wacyi gelinta dhallinyarada iyo la dagallanka fikirka xag-jirnimada ah, Guddoomiye Yarisow waxa uu ka dhageystay culumada uu la kulmay tallooyin ay soo jeediyeen oo la xiriira kor u qaadista wada shaqeynta Maamulka Gobolka iyo Culumada.

Gaba-gabadii kulankan waxay culumado muujiyeen dareenkooda ku aaddan kulanka ay la qaateen hoggaanka maamulka Gobolka iyagoona Alle uga baryey in ay ku guuleystaan shaqooyinka adage ee loo igmaday.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo shacabka ugu hambalyeeyay...

Duqa Muqdisho oo Salaadda Ciidda kula tukaday Dadweynaha Degaanka Gubadley

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Madaxweyne JFS oo Salaadda Ciidda Carrafo la oogay Kumannaan Shacab ah

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Soomaaliya oo fariin culus ka jeedisay Shirka Shaqaalaha Adduunka ee Geneva

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, Mudane Yuusuf Maxamed...