Guddoomiyaha Gobalka Benaadir oo kulan la qaatey culumada soomaliyeed

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo kulan wadatashi ah la qaatay culumada ayaa ugu baaqay in ay dardargeliyaan kaalinta ay ku leeyihiin nabadeynta iyo hirgelnta caddaaladda.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Culumada Soomaaliyeed ay asaas u yihiin di- u-hagaajinta hannaanka caddaaladda iyo garsoorka, kaalin muhiim ahna ay ka soo qaateen samatabixinta dalka, balse haatan looga fadhiyo dhameystirka dadaallaadaas iyo sidii ay u horseedi lahaayeen xaqiijinta bulsho mideysan oo u jiheysan dhanka horumarka iyo wax wada qabsiga.

“Culumada Soomaaliyeed waa indhaha bulshadeenna, waxa ay hormuud ka yihiin tallaabo kasta oo gobolku u qaadayo dhanka horumarka, cadaaladda iyo amniga. Maamulka gobolka Benaadir waxaa ka go’an kamira dhalinta dadaallada culimada iyo sidii loo joogteyn lahaa ka talagelintooda ku aaddan qorsheyaasha lagu horumarinayo bulshada Benaadir”.Ayuu yiri Eng. Yarisow.

Kaddib is xog-wareeysi ku saabsan qorsheyaasha la xiriira wacyi gelinta dhallinyarada iyo la dagallanka fikirka xag-jirnimada ah, Guddoomiye Yarisow waxa uu ka dhageystay culumada uu la kulmay tallooyin ay soo jeediyeen oo la xiriira kor u qaadista wada shaqeynta Maamulka Gobolka iyo Culumada.

Gaba-gabadii kulankan waxay culumado muujiyeen dareenkooda ku aaddan kulanka ay la qaateen hoggaanka maamulka Gobolka iyagoona Alle uga baryey in ay ku guuleystaan shaqooyinka adage ee loo igmaday.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...