Maxkamadda CQS oo darajadii ka xayuubisay Cabdi Naasir Xoosh sidoo kalane Xukun Dil ah ku riday (Sawirro).

Date:

G/sare Cabdinaasir Xoosh Maxmammed oo ahaa Taliyihii Raxanta Doomaha Badda ayaa la isugu daray daraja ka xayuubin iyo dil toogasha ah, kadib dil uu horey ugu geystay Abaanduulihii Ciidamada Badda Soomaaliyeed 18-01-2018 gudaha Dekadda weyn ee Muqdisho.

10-02-2018 ayaa horey loo dhageystay eed ka dhan ah sarkaalkanย  laga xayuubiyay darajada,ย  sidoo kale waxaa la soo bandhigay markaatiyaal iyo saraakiishii soo baaray kiiskan, iyadoo eey jirto in xafiiska xeer ilaalinta in uu weydiistay Maxkamadda in xukun dil ah lagu fuliyo eedeysanaha maanta la xukumay.

Qareenka u doodayey eedeysanaha ayaa isna dhankiisa muujiyay in eeysan diidaneen dilka uu sarkaalkan hore geystay balse uu Maxkamadda weydiistay in sarkaalka lagu xukumo in uu dhiiboย  diyo.

“Sidaas darteed, Maxkamadda waxaa u caddaatay in ย G/Sare X. C/naasir Xoosh Maxamed, ย uu yahayย  dembiileย  galay dembiga lagu soo oogay maxkamaduna waxay ku riday xukunka ah :-

  • Waxay ka xayuubisay darajadii uu sitay oo ahayd G/SARE
  • Waxay maxkamadu ku xukuntay Dilย  Toogasho ah, oo ah qisaasta Marxuum ย Ex-S/Guuto Saciid Aadan Yuusuf(Saciid Mariino)

Ciddii aan ku qanacsanayn xukunka Maxkamadda waxaa u furan Racfaan” -Sida uu u sheegay Warbaahinta G/sare Xasan Cali Nuur Shuute gudoomiyaha Maxkamadda D, 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Eedeysanaha ayaa heysto fursad kale oo uu ku dalban karo racfaan, hadii uusan ku qanacsaneen xukunka Maxkamadda D,1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Muqdisho ka furay shirka wadatashiga Qaran ee abaaraha.

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...