Golaha wasiirada Galmudug ayaa maanta shir uga furmay Caasimadda maamul goboleedkaas ee magaaladaasi Dhuusamareeb

Date:

Shirkan waxaa looga hadlayay arimaha amniga deegaanada Galmudug ayaa  waxaa shir guddoominayay  Madaxa Golaha Wasiirada Gal-mudug Sh.Maxamed Shaakir Cali Xasan waxaana aad loogu lafaguray sidii loo xoojin lahaa Amniga Gal-Mudug isla markaana loogu diyaargaroobi lahaa Xoraynta deegaanada yar ee Shabaab kaga sugan yihiin maamul goboleedkaasi.

Shirkaan ayaa waxaa ka soo qaybgalay inta badan xubnaha Golaha WasiiradaTaliyaasha Ciimada Qeybahooda kala duwan, waxaana halkaasi laga soo jeediyay warbixinno La xiriira xoojinta Amniga iyo sidii Gal- Mudug ugu diyaar garoobi lahayd Xoraynta deegaanada Gacantooda ka maqan.

Sidoo kale Shirka Golaha wasiirada Gal-Mudug ayaa waxaa lagu soo bandhigay
Warbixin la xiriirta Qorshaha isku dhafka Ciidamada Dawlad Goboleedka iyo xog
ku saabsan Horumarka laga sameeyey Qorshaha tayaynta Booliiska.
Shirka kadib ayaa waxaa Warbaahinta u waramay Madaxa Golaha
Wasiirada Gal-mudug Sh Maxamed Shaakir Cali Xasan waxa uuna ka
warbixiyey qodobadii shirka looga hadlay, wuxuuna hoosta ka xariiqay in Gal-Mudug ay cagta saartay wadadii horumarka iyo Xoojinta dowladnimada Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaasare kuxigeenka Dalka oo saaka qaatay Kaarka Cod-bixinta Doorashada

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed...

Wasiirka beeraha iyo wasiirka shaqada iyo shaqaalaha ayaa kormeer ku tegay degmada Hawlwadaag oo ay ka socoto kaar qaybinta

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS, Xil. Maxamed Cabdi...

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka XFS oo xalay la caweeyey bulshadda, kuna boorriyay ka qeybgalka doorashada

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax...

Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibedda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Serbia

Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan...