Dowlada Qadar oo Gawaari ku wareejisey Dowllada Soomaaliya

Date:

Gaadiidkani nuuciisu yahay Landcroser oo 30 xabo ah ayaa dowladda Soomaaliya waxay ka guddoontay Dowladda Qadar,kuwaasi oo loogu talagaly Ciidamada Booliska Soomaaliyeed kadib munaasabad kooban oo ka dhacday gudaha degkedda ee Muqdisho.

Waxaa dowladda Soomaaliya u guddoomay Wasiirka Amniga oo uu ka guddoomay Danjiarah Dowladda Qadar ee Soomaaliya Eng. Xasan Bin Xamza,iyadoo uu goob joog ka ahaa Wasiir ku xigeenka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda iyo mas’uuliyiin kale.

Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya ayaa dowladda Qadar uga mahadceliyay dowrka ay ku leedahay Taageerida dowladda Soomaaliya iyo Shacabkeeda.

“Waxaa mahad iska leh Alle Subxaanahu watacaalaa,intaasi kadib waxaan rabaa in hortiina aan uga mahadceliyo Dowladda Qadar,safar aan dhawaan ku tagay Dalkaasi Qadar waxaan la kulmay Ra’iisul wasaaraha Dalka Qadar ahna Wasiirka Arrimaha gudaha Sheekh  Cabdalla Bin C/naasir, wuxuu balanqadaay in uu taageero Dowladda Soomaaliya,taageeradaasi ayaa bilaabatay waxaana maanta aan ka guddoonay 30 baabuur nuuca Landcroser ah, kuwaasi oo loogu talaglay Ciidanka Booliska”.Ayuu yiri Wasiir Islow.

Dowladda Qadar ayaa kamid ah dowladaha taageera Soomaaliya,sida fulinta mashaariic horumarineed iyo kuwo gar gaarka bani’aadanimada la xiriira.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Qorsheynta oo ka hadlay shirka Heer Wasiir ee Golaha Dhaqaalaha (ECOSOC)

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Dowladda Federaalka...

Safiirka Soomaaliya oo tacsi u tegay Safaaradda Qatar ee New Delhi

New Delhi-Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Jamhuuriyadda Hindiya, Dr....

Guddoomiyaha Ku-xigeenka Ururka Kubadda Cagta CECAFA oo gaaray dalka Mareykanka

Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, ahna Madaxweyne Ku-xigeenka...

Khawaarijta Al-Shabaab ah oo lagu dilay duqeymo ka dhacay Deegaanka Goobo

War ka soo baxay Wasaaradda Gashaandhigga ayaa lagu sheegay...