Dood Qaran oo laga doodaayo hanaanka federaalka dalka oo muqdisho lagu qabtey

Date:

Ujeedadan dooda qaranka  ayaa waxaa ay ku saabsaneed  hanaanka fedraalka dalkeena uu qaatay iyo sidii loo dhameystiri lahaa federaalka dalka ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirka Dastuurka, Xildhibaano ka socda labada gole Baarlamaanka, Siyaasiyiin iyo  Masuulayiinta Hay”adda Xarunta talo soo jeedinta Soomaaliyeed.

Cabdinaasir Xaaji Maxamed oo ah Agaasime Wasaaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka ayaa  faafahin ka baxiyay federaalka dalkeena uu qaatay iyo qeexitaanada uu leeyahay federaalka Dadka Soomaaliyeed

Ka qeyb galayaasha ayaa si wayn ugu dooday hananaka fedraalka hada dalkeena uu qaatay iyo hanaanka qeyraadka  looga qeybsan karo iyo xaduudaha, Wasiirka Dastuuurka Xukuumadda federaalka Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil ayaa tilmayay in doodan ay macno wayn ay ku fadhiso.

Guddoomiye  ku_xigeenka Xarunta Talo soo jeedinta Soomaaliyeed Saciid Jaamac Qorshyeel oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in ay qubarada ka qeybgalay dooda qaran ay  aragti wnaagsan oo dalka lagu horumarin karo ay soo bandhigeen ayna talooyinkaasi ay aruuriyeen ay soo bandhigi doonan.

Doodaan furan ay aragtiyada ay isku wadeersanayaan  bulshada qeybaheeda kala duwan iyo dowladda ayaa waxaa ay qeyb ka tahay ka tala galinta talada qaranka Bulshada somaaliyeed si taloobooyin wax ku ool ah hore logu qaado geedi  socadka qaranka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo ka warbixiyay Jabkii lagu gaarsiiyay Khawaarijta Ceeldheer

Wasiirka Gaashaandhigga XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo Ruushka kaga qeyb-galay shir la xariiro dhaqanka

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka Iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaiya,...

Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) oo ku baaqay in tallaabo laga qaado Israel

Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) oo ay xilligaan taladiisa hayaan...

Xarunta Taliska Ciidanka Haramcad oo dib loo dayactiray oo xarigga laga jaray

Magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu qabtay munaasabadda xarig-jarka xarunta...