Eng,Yarisow oo sheegay in maamulkiisa uu ka shaqeynayo sidii shacabka loo siin lahaa awoodda dowladnimada (Sawirro).

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa daah furay tartanka Cayaaraha dugsiyada degmada Hodan, isagoo ku boorriyey in ay ka qayb qaataan Nabadda iyo horumarinta caasimadda.

Duqa Magaalada Muqdisho ayaa tilmaamay in dhalinyaradu ay yihiin kuwa ugu badan shacabka Soomaaliyeed, isla markaana aragtidooda iyo hamigooda loo isticmaali doono sidii mar kale Soomaaliya cagaheeda isugu taagi lahayd, magaalada Muqdisho na u noqon lahayd mid kamid ah Caasimadaha ugu bilicda iyo amniga badan Caalamka.

Eng. Yarisow waxuu sheegay ka sakow muhiimadda uu Isboortigu u leeyahay isdhexgalka bulshada, in tani muuqaal cad ay ka bixinayso sida magaaladu uga soo kabanayso dhibaatooyinkii ragaadiyey sanooyinka badan, isla markaana ay maamulkiisa cusub ku dhiirigelinayso inuu dhabaha u furo bulsho isku duuban oo ka fekereysa mustaqbalka horumarka dalkooda.

“Waxaan naga go’an horumarinta degmada iyo xoojinta Isboortiga oo laf-dhabar u ah bulsho isku duuban. Degmada Hodan waa xaafaddii aan ku koray waxna ku soo bartay aad ayay ii farxad gelinaysaa inaan mar kale arko shacabkii aan jeclaa oo maanta hortayda taagan wajiyadoodana ay ka muuqato farxad iyo rajo weyn”.Ayuu yiri Guddoomiye Yarisow.

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Mudane Cabdiraxmaan Yarisow ayaa sheegay in maamulkiisu uu ka shaqeynayo talada in loo dhaweeyo shacabka si ay go’aan uga gaaraan mustaqbalkooda, taasina lagu gaari karo marka la helo shacab isku duuban oo leh hal aragti.

Xafladda daah furka tartanka cayaaraha dugsiyada ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay Wasiirro, Saraakiil iyo qeybaha kala duwan ee shacabka ku nool degmada Hodan ee gobolka Benaadir.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo furay Shirweynaha Labaad ee Qiimeynta iyo Kormeerka Qaran

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

Soomaaliya oo soo dhawaysay heshiiska Congo DRC iyo jabhadda M23

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhaweyneysaa saxiixa heshiiska Doha...

Hay’adda SoDMA oo daahfurtay geedi-socodka Ka-hortagga Masiibooyinka. 

Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo u maraysa Hay’adda Maareynta Masiibooyinka...

11 khawaarij ah oo lagu dilay howlgal ka dhacay nawaaxiga Xarardheere

Ciidamada Macaawisleyda ee ka howlgala degmada Xarardheere ayaa xalay...