Ciidanka Xoogga dalka oo howlgal Qorsheysan ka fuliyay degmada Kurtunwarey..

Date:

Ciidamad Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya AMISOM ayaa howlgal qorsheysan oo lagu bur buriyay saldhigyo kooxda Al-Shabaab ay ka soo abaabuli jireen Weerarada iyo Qaraxyada dadka ay ku dhibaateeyaan.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Najax oo la hadlay SONNA ayaa sheegay in Cutubyo ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka oo kaashanaya AMISOM ayaa shalay gelinkii danbe waxay howlgal ka dhan ah Kooxda Nabadiidka Al-Shabaab ka fuliyeen degmada Kurtunwarey iyo nawaaxigeeda.

“Ciidamada Xoogga dalka waxay galeen degmada Kurtunwarey,waxayna bur buriyeen saldhigyo Shabaabka ay lahaayeen  oo ay ka soo abaabuli jireen Qaraxyada iyo weerarada dadka ay ku dhibaateynayaan, “ ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha hoose Ibraahim Aadan Najax.

Ibraahim Aadan Najax oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in markii ay Ciidamada Xoogga dalka ay ku soo guuleysteen howlgalkii Qorsheysnaa ay ka fuliyeen degmada Kurtunwarey iyo nawaaxigeeda dib ugu soo laabteen fariisimihii markii hore ay ku sugnaayeen.

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sidan oo kale horay howlgalo qorsheysan uga fuliyay qeybo ka mid ah dalka oo ay ku sugaanyeen Maleeshiyada Argagixisada Al-Shabaab,kuwaasoo lagu dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsanaa Al-Shabaab,iyadoona lagu bur buriyay saldhigyo ay ka soo abaabuli jireen Qaraxyada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska oo Daah-furay Dib u habeynta Kaydka Radio Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Bannaanbaxu waa xaq dastuuri ah, balse fowdo ma aha

Sida dastuurro badan oo dunida ka jira, Dastuurka Soomaaliya...

War-saxaafadeed ku aadan Garsoore Cumar Cartan

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay...

Warsaxaafadeed: Calanka iyo Astaanta Qaranka ee saxda ah

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka...