Dalalka ku jira urur gobolleedka IGAD oo Muqdisho uga shiray arrimaha Socdaalka

Date:

Muddo afar maalmood ah oo uu socon doono Shirkan Wadatashiga ah ayaa ayaa looga doodayaa Sharciga isu-socodka xorta ah ee dadka IGAD si dalalka xubnaha ka  ah Urur Goboleedka IGAD ay isku waafajiyaan siyaasadahooda dhinacyada Ganacsiga,Gaadiidka,isgaarsiinta,beeraha iyo Keyraadka dabiiciga ah iyo in Alaabaha iyo dadku iskku gudbaan.

Waxaana Shirkan ka qeybgalaya Masuuliyiin katirsan Hay’adaha kala duwan ee Dowladda Federaalka ah oo ay kamid yihiin Agaaismaha hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, xoghayaha joogtada ah Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Agaaismaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha Somaaliiya, wakiilo kasocday dowlad goboleedyada, Gobolka Banaadir iyo qeybaha kala duwan ee buulshada iyo mas’uliyiin ka tirsan Qaramada Midoowe, Midowga Africa, Midowga Yurub iyo Urur Goboleedka IGAD  oo iyagu shirka soo qaban qaabiyey

Safiirka Ethiopia u fadhiya Soomaaliya Ambasador Jamaaludiin Mustafa oo ku hadlayay magaca Xogahayaha Guud ee IGAD ayaa sheegay in shirkan uu daba joogo shirar isla sharcigan looga doodayey  oo lagu qabtay dalalka Uganda, Jabuuti iyo Ethiopia.

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee dwoladda Federaalka ah G/sare Maxamed Aadan Jimcaale Koofi ayaa xusay in isu socodka dalalaka IGAD oo la hagajaiyo ay muhiim u tahay dalalka ku jira IGAD ayna u horseedi karto hormar wadajir ah.

Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaaliya Cali Maxamed Cali ayaa ka qeybgalayaasha shirka ugu baaqay inay si qota dheer uga doodaadaan sharciga isu-socodka xorta ah ee dalalka IGAD iyagoo ka eegaya danta dalka iyo dadka Soomalaiyeed.

Wakiilada ka socday Qaramada Midoowe, Midowga Yurub iyo Midowga Africa ayaa bogaadiyay in la sameeyo sharciga isu socdka xorta ah ee dalalka Urur Goboleedka IGAD ku bohoobey.

iyagoona sheegay in Sharcigan uu wax badan ka badali doono  dhaqaalaha Wadamada ku bahoobay IGAD iyo ilaalinta xuquuqda Qoxootiga maadaama dalalkan ay ku badan yihiin dadka qoxootiga oo isaga gudaba Wadamada dariska ah.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga oo kulan la qaatay Madaxa Afooyinka ee Midowga Yurub

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, Axmed Xuseen Cilmi,...

Taliyaha CXDS iyo Guddoomiyaha SoDMA oo ka wada hadlay cimilada iyo dib-u-xoreynta dalka

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Gaas Odowaa Yuusuf...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo Ceeldheer ku abaalmariyay Geesiyaasha Xoogga Dalka

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi...

Guddoomiyaha SoDMA oo ku dhawaaqay abuurista Sanduuqa Qaranka ee Maareynta Khatarta Masiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...